Siilaanyo oo hambalyeeyay Madaxweynaha is-doortay markii afraad

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ismaaciil Cumar Geelle oo la shaaciyey inuu ku guulaystay inuu Madaxweyne dalkiisa ka sii ahaado shanta sano ee soo socda, iyadoo maanta lagu dhawaaqay natiijada doorashada Madaxtinnimada Jabuuti oo Jimcihii shalay ka qabsoontay waddankaas.

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, ayaa lagu faahfaahiyey Dhambaalka uu ku hambalyeeyey Madaxweyne Siilaanyo Madaxweynaha Jabuuti ee doorashada ku guulaystay.ssss

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee Nuqulka ka midka ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne, kugu Hambalyeynayaa doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.

Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay Sabtida Maanta.