Guddida Anshaxa UCID oo sheegay inay Xubinnimadii Xisbiga ka saareen Cali-guray

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiye Ku-xigeenkii saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), oo uu Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe toddobaadkii hore shaaciyey inuu ka qaaday Xilkii uu UCID ka yahay, ayaa Maanta ay Guddiga Anshaxa ee Xisbigaasi sheegeen inay ka saareen Xubinnimadii Xisbigaas.

Qoraal kooban oo la sheegay inuu ka soo baxay Guddiga Anshaxa ee Xisbiga UCID, isla markaana uu ku saxeexnaa Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, ayaa lagu sheegay inuu jebiyey Xeerka Anshaxa ee Xisbiga UCID qodobbo ka tirsan, sidaas awgeedna laga qaaday Xubinnimadii Xisbiga, ka dib markii uu ku joogsan waayey Digniin hore loogu jeediyey sida ay qoraalkooda ku sheegeen.

Waxaa uu Qoraalkaas Guddiga Anshaxa ee Xisbiga UCID soo saareen Maanta ee Aftahannews soo gaadhay iyo qodobbada ay u cuskadeen eriga Cali-Guray-ba, uu u dhignaa sidatan:-

“Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Caddaaladda iyo Dareeylka UCID, iyagoo Tixraacaya Digniintii Summaddeedu ahayd Ref/UCID/XDH 106/2016. Xubintan oo ka horyimi Digniintii hore ee la siiyey jebiyey Xeerka Xisbiga qodobkiisa 8-aad.

Guddiga Anshaxu iyagoo ka duulaya awoodaha Xeerka Xisbigu siiyey sida uu qeexayo qodobka 35-aad. Sidaa daraaddeed, waxay Guddiga Anshaxu Xubinnimadii ka qaadday Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray). Allaah Mahad leh.”