Musumaasuq hadheeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Hargeysa (Waaheen) Khilaaf culus  ayaa soo kala dhex galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland  Cismaan Saxardiid Cadaani iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cilmi (Ilkacase), khilaafkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay  gaadhi Land Cruiser  ah oo Wasaarada warfaafintu lahayd oo muddo ka maqnaa, basle markii uu Wasiirka cusub ee wasaaradaasi uu tirinayey baabuurta wasaarada la tabay, waxana  markii danbe la ogaaday in Hay’ada Madaxbaan laga kireyey baaburkaasi oo mudoba lacagta  Kiradiisa dibada lagu qaadanayey.

Ilaa Hada Lama garanyo sababta wakhti hore loo ogaan waayey gaadhigan hay’ada u kireysnaa  balse Wasiir cadaani oo muddo kooban hayey xilka wasaarada warfaafinta ayaa la sheegay in markii uu codsadey in lasoo joojiyo gawaadhida wasaaradu leedahay laga waayey goobtii uu ku tirsanayey gaadhigan LandCruiser-kaa warbixintiisana loogu sheegay in gaadhigani muddo ka badan sanad aanu soo gelin Xayndaabka wasaarada balse uu hay’ad uu ka kireysnaa gaadhigaasna uu mas’uulka ahaa agaasimaha Guud ee wasaaradaas, sida ilo wareedo wakhtigaas ku sugnaa goobtas noo sheegeen wasiirka ayaa la tilmaamey inuu si cadho leh maareeyaha telefiishanka iyo agaasimaha guudba uu amar ku  siiyey inay gaadhiga ku soo xareeyaan muddo ka yar 24 saacadood, waxaana lagu keenay gaadhigaas mudada uu wasiirku qabtey, arinkan ayaa keenay inuu aad uga cadhoodo  Agaasimaha Wasaaradaas Kaa soo Muddo sadex Cisho ahba Aanu kasoo Xaadirin Xafiiska uu ku leeyahay wasaaradaas, Mudooyinkii u Dambeeyey Xarunta wasaarada Warfaafinta Ayey Ka Socdaan Hawlgalo lagu Nidaaminayo wasaarada, Kuwaasoo Wasiirku wado.  muddo kooban ayaa laga jooga ka dib markii Wasiirku Amar ku bixiyey Lacagaha ay bixiyaan Hay’adaha la shaqeeya Wasaarada Iney Toos ugu Shubaan Account-ada Wasaaradaas lacagahaas oo ay markii hore qaadi jireen Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Wasaaradaasi.

Xigasho wargeyska Waaheen