“Arrinta khilaafka xisbiga UCID waxba ka odhan maayo ,” Guddoomiyaha Guutida

Hargeysa-(Berberanews)-Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  oo ay maanta warbaahintu  wax ka weydiisay sababta uu uga hadli waayey khilaafka xisbiga UCID ka dhex dilaacay, ayaa sheegay inaanu ka hadlayn Khilaafka UCID.

Guddoomiye saleebaan oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Arinta khilaafka xisbiga UCID waxba ka odhan maayo , waar waxba ka odhan maayo ayaan idin idhi ama su,aashaas soo cel cesha ama ha soo cel celinina ” ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan .

Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland   ugu baaqay in gudoomiyaha guurtida  soo dhex galo khilaafka xisbiga UCID maadama oo uu dhex dhexaadiyey khilaafka xisbiga KULMIYE .

Iyadoo uu gudoomiyuhu hore uga qeyb qaatey khilaafkii xisbul xaakimka kulmiye xalintiisa