Waa kee dalka ugu farxadda badan dunidu?

Qubane-((Berberanews)-Dalka Denmark, ayaa noqday dalka ugu farxada badan yihiin dadkiisu, halka dalka Burundi uu kaalinta ugu hossaysa ka galay oo ah 157 sida ay muujisay xog-ururin Qaramada Midoobay soo saartay oo farxada ay kaga hadlaysay (UN-Sanctioned World Happiness Report 2016) oo maankaab soo xigtay.

Dalkan Scandinavian ka mid ah oo bulshadiisu dhan tahay 5.6 milyan, ayaa kaalinta koowaad ka galay markii labaad dalalka adduunka ugu farxada badan, kadib markii 2012 Qaramada Midoobay bilawday in ay cabirto farxada dadka adduunka ku nool.

Warbixintan oo Arbacadii la sii daayey ayaa kala horrayta dalalka lagu sallaynaayey dhawr arrimood oo kala ah caafimaadka dadkiisa iyo sida ay u helaan daryeel caafimaad, xidhiidhka qoys, ammaanka shaqo iyo arrimo bulsho oo ay ku jiraan xorriyada siyaasiga ah iyo heerka musuqmaasuqa dawladdaas taagan yahay.c3f64c4ce1cd4bbaad12c8881397d85c_18

Dalka Denmark oo 43% haweenka ku nool ay shaqooyin aad u sarreeya amma xilal sare dawladda ka hayaan, ayaa noqday dalka dadkiisa aadka ugu wanaagsan oo si fiican u daryeela, inkastoo ay jirto cabashooyin aad u yar oo ah cashuurta oo aad u qaali ah, taasina ay doodeedu noqotay in lacagta ay bixiyaan dadka dib loogu celiyo oo loogu fidiyo adeeg caafimaad iyo waxbarasho oo qof kasta bilaash u ah.

“Afar dal sida Bhutan, Ecuador, Isu-taga imaraadka Carabta iyo Venezuela, ayaa xukuumadahoodu magacaabeen Wasaaradda Frxada oo masuul ka ah in ay shacabkeeda farxadooda ka talis. Waxa kale oo jira dalal badan oo xukuumadahooda hoos yimaada ay qaabeeyeen siyaasad ay ku ilaalinayaan in muwaadiniintoodu farxad ku nooladaan,” ayaa warbixinta Qaramada Midoobay lagu yidhi.

Dubia, ayaa hadda hoos u dhacday oo hoos uga dhacay sannadkii 2015 halkay ahayd oo jagada 20aad ah, waqtigana noqotay kaalinta 28aad ee dalalka ugu farxada badan, halka dalka Maraykanku noqday kaalinta 13aad, dalka Ingiriiskuna 23aad, iyadoo Sucuudiguna kaalmaha dalalka ugu farxada badan ka galay 34aad.

Dalalka Scandanavian, ayaa aad uga muuqda 10 dal ee ugu farxada badan adduunka, maadaama ay yihiin dalal aan wax dagaalo, khilaaf siyaasadeed iyo cudurro toona ka jirin, bulshadooduna aad u yar tahay.

Dalka Suuriya, Togo, Afghanistan Benin, Rwanda iyo Guinea, ayaa kaalinta 156aad noqday, taasoo ah dalalka ugu farxada yar adduunka.

Haddaba, 10 dal ee ugu farxada badan ee warbixinta Qaramada Midoobay 2016 soo saartay waxay kala yihiin;

  1. Denmark
  2. Switzerland
  3. Iceland
  4. Norway
  5. Finland
  6. Canada
  7. Netherlands
  8. New Zealand
  9. Australia
  10. Sweden