“Itoobiya Ma Aqoonsana Khaatumo, Waxaanu Raadinaa Maleeshiyaadkooda” Safiirka Itoobiya Ee Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen, Mr. Berhe Tesfaye, ayaa shaaca ka qaaday in adkaynta iyo xoojinta iskaashiga amaanka u yahay muhiimada koowaad madaxda Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana wadaxaajood dheeraad ah oo la xidhiidha dhowaan ka dhici doono Magaaladda Hargeysa.


 

Mr. Tesfaye, safiirka Itoobiya ee Somaliland oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Horn Tribute, oo mataanno yihiin wargeyska DAWAN, ayaa shaaca ka qaaday in caasimada Addis Ababa madaxda Itoobiya iyo Somaliland toddobaadyo gudahood ku wada saxeexan doonaan heshiis nooca qaabka caalamka laba wadan u wada saxeexdaan (bilateral) dhinacyo kala duwan ah oo waxtari doona shacabka labada wadan.

Waxa uu sheegay in xafiiskiisu si rasmi ah dib ugu bilaabay hawlahii bixinta fiisayaasha dal-ku-galka Itoobiya, isla markaana heli doonaan dhammaan dadka soo codsada ee buuxiya shuruudaha ku xidhan.

Mr. Tesfaye oo faahfaahin ka bixinayey muhiimada wada xaajood guddiyo farasamo oo ka kala socda Somaliland iyo Itoobiya ku yeesheen magaalada Berbera ayaa sheegay,“Kulankii afaraad ee guddiyada Farsamada Somaliland ku yeesheen Berbera, saddex qoddob oo muhiim ah ayuu ku saabsanaa, ugu horeeyay Amaanka, adeegyada Dekeda iyo dhismaha kaabayaasha.”

“Xoojinta iskaashiga amaanku waa muhiimada koowaad ee Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, waxaana lagu heshiiyey in la kobciyo iskaashiga xilligan uga dhexeeya, isla markaana sii balaadhintiisa loo adeegsado xag dhaqaale iyo is-dhaafsi macluumaad sirdoonkaba,”ayuu yidhi Danjiraha Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu xilligan diyaar u yahay bilaabida isticmaalka adeegyada dekeda Berbera, taasina caddeyn u tahay siday uga go’an tahay iskaashi dhex mara xukuumadda iyo shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Dalkaygu wakhtigan waa u diyaar bilaabida isticmaalka adeegyada dekeda Berbera, waxaan mabda’iyan aaminsan nahay in horumar Itoobiya gaadhno ku xidhan yahay inay horumaraan wadamada jaarka sida Somaliland.”

Mar uu ka hadlayey qabqabashada tahriibayaasha sharcidarada Itoobiyaanka ee ciidamada amaanka Somaliland mudooyinkii u dambeeyey ka saareen dalka, ayuu sheegay, sida bani’aadminimada leh ee dalkiisu ula dhaqmo muwaadiniinta Somaliland, si la mid ah ayaan ka filayaa hay’adaha amaanka gudahu inay ula dhaqmaan Itoobiyaanka, gaar ahaan tahriibayaasha sharci-darada.

“Dhamaan Itoobiyaanku, iyadoo aan loo eegayn qabiil iyo deegaan way u siman yihiin sharciga hortiisa, waana in loola dhaqmo si bani’aaminimo ah gudaha iyo dibeda dalkaba.”

Mr. Tesfaye ayaa amaanay qorshaha xukuumadda Somaliland dalkeeda uga saarayso dhammaan dadka sharci darrada ku jooga, ama tahriibayaasha ah, laakiin, sheegay inaanu ku qanacsanayn, tallaabo uu sheegay inay u muuqato mid lagu beegsanayo Itoobiyaanka, waxaanu yidhi “Si weyn ayaan u taageersan nahay dedaalada xukuumadda Somaliland ku cidhib-tirayso dadka sharci-darada ku jooga ama tahriibayaasha ah, laakiin, si adag ayaan u diidan nahay tallaabadan u muuqata mid lagu beegsanayo dadka Itoobiyaanka, isla markaana qaab bani’aadminimada ka baxsan loo xidhayo, looguna mustaafurinayo hab sharaf dhac ah.”

Safiirka Itoobiya u qaabilsan Somaliland, Mr. Tesfaye ayaa sheegay in arrimaha xakamaynta dadka sharci-darada door weyn xukuumadoodu ka qaadanayso, isla markaana xal u helida dadka sharci darrada isaga gudba Somaliland iyo Itoobiya qeyb ka tahay qoddobada guddi farsmo oo labada wadan metelaya dhowaan kaga doodayeen magaalada Berbera.

Mr. Tesfaye ayaa sheegay in tahriibayasha sharci daradu qeyb ka tahay halista amaanka labada wadan iska kaashanayaan, maadaama kooxaha argagxisada ee gacan-saarka la helo Shabaab, ONLF, OLF, iyo Daacish isku soo dhex qarin karaan dadka sharci darrada xuduudaha uga gudba.

“Xukuumadda Itoobiya ma aqoonsana Khaatumo, weliba waxaan si joogto ah u raadinaa hogaankeeda ama maleeshiyaadkooda, si aan u qabano marka laga helo deegaamada Itoobiya dhammaantoodm” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey fikirka in xukuumadiisu taagan tahay Cali Khaliif iyo Khaatumo, oo mar walba u carara deegaamada gudaha Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ayaa sheegay in mowqifka Itoobiya ka taagan tahay Khaatumo iyo Cali Khaliif markhaati u tahay siday hore uga mustaafuriyeen caasimada Addis Ababa.

Berbera news. Hargeysa