“Waxan Cambaaraynayaa Falka Ka Dhacay Boorama, Gaar Ahaan Guriga Guddoomiyaha Gobolka” Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa si kulul u canbaareeyay weerar xoogan oo xalay ay dablay hubaysani la beegsadeen Gurriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax,kaas oo sababay dhimashadda Labbo ruux oo Ilaaladiisa ahaa.

download

Dhinaca kalena,waxa uu canbaareeyay Xadhig uu sheegay in loo gaystay dad iskugu jira Ganacsato iyo Odayaal.

Cabdirashiid ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu goor dhawayd ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxaanay u dhignayd sida tan: “Waxan cambaaraynayaa falka ka dhacay magaalada Borama gaar ahaan guriga Guddoomiyaha Gobolka. Waxan ka tacsiyadeenayaa ciidanka iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay falkaa foosha xun ee argagisnimada leh. Waana in maxkamad la horkeeno ciddii masuulka ahayd falakaa.

Sidoo kale waxan cambaaraynayaa xadhiga loo geystay ganacsatada iyo madax dhaqmeedka aan dembiga faraha kula jirin ee xalay lagala baxay guryahooda oo aan xadhigooda loo marin sifadii sharciga ahayd sida uu dhigayo dastuurka JSL.

Bulshada gobolka Awdal waxan kula dardaarmayaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khalkhal gelinaysaa amniga iyo degenaanshaha gobolka iyo guud ahaanba qaranimada Somaliland.”

Berbera news.Hargeysa