Hamiga Halgankii SNM, Hooteynta Dowladdii Cabdiraxmaan-Tuur iyo Heello-tumashada maanta: Saddex aan isgeyin

Qormo Taxane ah: Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe (Qaybta 2aad)

Meeshu dad uhiilin maahee
Geenyadan dakaanka ah
Aan Daraasado Markaygee
IIga Soo Dag ana aan
Daadka Kaga Dulboodee (Abwaan Hadraawi)

Sidaan qormadii hore idiinku ballanqaaday waxaan Maaxinayaa xusuusta intii goob joogga ka ahayd, inta aan ka war-hayna u soo tebinayaa waxyaabihii Biqilka u jarey Xukuumaddii u horeysay ee Somaliland yeelato ee uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo dad badani isku raacsan yihiin inuu ahaa hoggaamiyihii ugu daacadsanaa ee Somaliland soo mara. Waxa uu Madaxweyne Tuur shirkii beelaha Somaliland ee sannadkii 1993-kii ku qabsoomay magaalada Boorama ka jeediyey khudbad aad u miisan-weynayd, waxaanu goobta ku cadeeyey Madaxweyne Tuur Caqabadihii ka horyimi oo ahaa kuwa dhibtooda leh oo ragii uu wasiirada ka dhigtey ay noqdeen kuwa dagaal-oogayaal ah oo sabab u noqday burburkii xukuumaddiisa.
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in Golaha Dhexe ee Ururkii SNM oo la doonayey in laga aasaaso Golaha Xeer-dejinta ay noqdeen kuwo aan howshii loogu talo galay samaynin oo ka gaabiyey, marka iyagoo la doonayey inay dalka u sameeyaan Dastuur ku meelgaadha oo dalka lagu xukumo balse ay taasi hor-istaagtay nabad-galyo la’aan ku habsatey waddanka badankiisa muddadii 2 sano ahayd ee laga sugayey inay horumar ku talaabsadaan, aakhirkiina uu dhacay dagaal sokeeye oo ay u sabab ahaayeen rag mansabyo waaweyn ka haya talada dalka, kuwaas oo ku dadaalay inaan umadu saldhigan xukuumadana noqon mid horumar iyo aayo ka talin samaysa .
Dadkii xiligaa waxa la barayey inay yihiin qabiil mutaxan oo midba iskii udagaalamo halka xiligaas waxay dowladu ku dadaalaysey inay dadka iyo dalkaba nabadeyso, balse waxa taas hor-istaagay wiilashii daydayga ahaa ee dadka dhacayey kuwaas oo goobkasta iyo meelkasta dhibaatooyin ka geystey, mararka qaar waxa dhicijirey inay madaxtooyada uu fadhiyey Madaxweyne C/raxmaan Tuur joogo weerar cadaan ah lagu soo qaadijirey oo aan aheyn Mar iyo lababa taasi oo xataa gaadhigii madaxweynaha la qaatey si qasab ah. Sida uu Marxuum Cabdiraxmaan Tuur ku sheegay khudbadii uu ka jeeduyey shirkaas, waxa dhacady in malleeshiyaadku isku-dulqabsan jireen nawaaxiga Aqalka madaxtooyada, rasaasna oodda lagaga qaadi jiray Cabdiraxmaan Tuur oo ku jira Aqalka madaxtooyada.
Waxa dhicijirtay in guriga madaxtooyada markay qoraxdu dhacdo ilaa waagu soo dhawaanaayo ay rasaasi ka dhicijirtey taasi oo marba marka ka dambeysa ay soo dhawaan jirtey, sida uu Cabdiraxmaan Tuur Sheegayna raga waxaas samaynayey waxa uu hadafkoodu ahaa inuu Madaxweynuhu ka tago madaxtooyada ama uu noqdo nin reer ah oo yidhaahda Tolaay oo uu ciidan wayn keeno cabsina gasho si uu isku ilaaliyo.
Hadaba Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa Saraakiishii uhoreysey ee talowdey ahaana Wasiirkii ugu horeeyey ee Gaashaan Dhiga Somaliland xukuumadii C/raxmaan Tuur, ayaa lagu tiriyaa inuu ahaa raggii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kaddib markii laga qaaday xilkii wasiirnimo ee uu hayey, islamarkaana uu horseed ka ahaa raggii qab-qablayaasha ahaa ee dowladaasi wiiqey kana horyimi si’aanay waxtar uyeelan. Maxamed Kaahin waxa uu ka mid ahaa garabkii Mucaaridka ee dalka ka dhaliyey in ay ka samaysmaan daydey dadka dhaca oo aan cidna bixin. Sida aad ku daawan doontaan documentary-ga aanu ka samaysay dib-u-milicsiga taariikhdii shalay iyo hagar-daamooyinkii ku lammaanaa qab-qablayaashii uu Maxamed kaahin ka mid ahaa, waxa uu Qirtey inuu ahaa ragii sameeyey dhibaatooyinkan mucaaridku ku wax yeelaynayaan shacbiga iyo umadii daalaneyd mar mararka kamida waa la xidhay oo jeelka ayaa lagu tuurey balse waxa uu ku talaabsadey wixii uu ka xishoodey madaxweyne tuur ee ahaa Tolaay yaa reer Hebelaay, waxaanu si badheedha u qirtay inuu tallaabooyinkaas mucaaradnimo u samaynayey si ficil ah oo reeraysan uu u fulinaayey.
Maaha wax qormo kaliya lagu soo qaadan karo duruufihii xiddida u siibay Dowladdii Cabdiraxmaan Tuur, balse waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu Maqal iyo Muuqaalba idiinku soo gudbinno arrimahaas qaybaha soo socda ee Qormadan Taxanaha ah oo aan si todobaadle ah idiinku soo gudbin doono.

Muuqaalada Hoos Ka Daawo