Tirada Ubadka yar yar Ee ku dhimatay iyo inta ku dhaawacantay Dagaallada dalka Yemen ka socda oo la Shaaciyey

Yemen(berberanews):- Illaa Shan Boqol oo Carruur yaryar ah, ayaa ku dhintay dagaallada iyo duqaymaha ka socda waddanka Yemen bilihii dagaalladu ay ka socdeen dalkaas ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka. Halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya Kooxda Xuutiyiinta iyo dawladda Yemen oo ay dawladda taageerayaan Diyaaradaha Isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu hoggaamiyo oo Duqaymo ka geysta goobaha ay Xuutiyiintu deggan yihiin.
YEMEN-DAGAALLADA-CARRUURTA-LAGU-LAAYEY-300x225
Hay’adda Jimciyadda Quruumaha u dhaxaysa u qaabbilsan dhinaca arrimaha Carruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in in ka badan Shan Boqol oo Carruur ahi ay ku dhinteen dagaalka Yemen ka socda lixdii bilood ee la soo dhaafay ee sannadkan 2015-ka ee aynu ku jirno.
 
Waxay Hay’adda UNICEF sheegtay in ugu yaraan toddobo Boqol oo kale oo Carruur ahi ay ku dhaawacmeen dagaalladaas, sidoo kalena ay in ka badan 1.7 Milyan Carruur ahi ay Khatar ugu jiraan nafaqo-darro. Saraakiisha UNICEF ee Yemen, ayaa sheegay in dagaalka maalin kasta ay Carruurta u arkaan in rejadoodii mustaqbalku ay sii dhammaanayso.
CARRUURTA-DAGAALLADA-YEMEN-KU-DHIMATAY-150x150CARRUURTA-DAGAALLADA-YEMEN-KU-DHIMATAY-IYO-KUWA-KU-DHAAWACMAY-150x150
Sidoo kale, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Qaxoontiga ee UNHCR, waxxaa dalka Yemen ka barakay Boqollaal Kun oo Qoys oo reer Yemen ah oo ka cararay dagaallada ka socda dalkooda, kuwaasoo qaarkood u qaxeen Soomaaliya, Jabuuti, Sucuudiga iyo dalal kale, isla markaana intooda badani yihiin Carruur.
 
 
Berberanews.com