BURCO: Ururka  SOLJA Oo  Tababaro u Furay  In Ka Badan 50-Suxufi

Burco (Berberanews)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  ayaa tababaro  socon doona muddo saddex maalmood ah ku qabtay magaalada Burco ee xarunta Gobolka togdheer, kaasoo ay ka qaybgaleen  in ka badan 50  suxufi oo la bari doona duruus la xidhiidha sharuuucda saxaafadda iyo mabaadii’da aas aaska u ah xorriyatal-qawlka ,iyo doorka saxaafadu ka qaadato   hanaanka  doorashooyinka.
Furitaankii tababarka  oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxda maamulka gobolka, hogaanka Solja  iyo masuuliyiin badan ayaa lagu qabtay huteel City Plaza ee Burco.
 
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Mr.  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  ayaa ka hadlay doorka ay saxaafadda Somaliland ka qaadato xorriyad-qawlka, waxaanu tibaaxay mabaadii’da ururkiisu u abuuran yahay inay kow ka tahay in la sugo xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda, sidaa darteedna bahda saxaafadda looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa wararka iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin inay afkaartooda si cad oo sharci ah u dhiibtaan.suxufiyin
Guddoomiyaha SOLJA waxa uu u iftiimiyey in  Solja   xooga  saaray in   aqoonta iyo tayada  suxufiyiinta kor loo  qaado  oo wax la baro si suxufiga loola  xisaabtami karo,hadii kale suxufigu markaanu aqoon lahayn  lalama  xisaabtami karo,taasina waa  ta keentay  in  tababaro  kala duwan  gobolada  ugu qabano  suxufiyiinta.
“Tababarada  maanta ka furnay Burco  waa laba tababar   oo kala ah  mid ku saabsaan sharuuucda saxaafadda iyo mabaadii’da aas aaska u ah xorriyatal-qawlka  iyo  mid  ku  la xidhiidha  doorka saxaafadu ka qaadato   hanaanka  doorashooyinka.”
Waxaanu  xusay in  tababaradan  ku qaban doonaan gobollada oo dhan.
Gudoomiye Ku Xigeenka  Ururka Suxufiyiinta SOLJA, Mr.Kayse Axmed  Digaale  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay  in  suxufiyiinta  ka qaybgalayaasha  tababarkani  ka yimaadeen  Gobollada Daadmadheedh, Togdheer,Buuhoodle iyo Saraar,tahayna markii labaad  ee suxufiyiintan  loo qabto tababar.Waxa  uu intaa  ku Daray  Mr. Kayse  in Solja   u taagan tahay  difaaca,ilaalinta  Suxufiyiinta iyo Kor u qaadista  aqoontooda, waxaanu u mahad celiyay suxufiyiinta  ka timi Magaalada Buuhoodle oo ah markii u horeysay  ee la siiyo tababar saxaafadeed,suxufiyiinta tababarka  loo qabtayna ku adkeeyay  inay ka faaiidaystaan  duruusta tababarka  oo ku dabaqaan  shaqadooda.
Gudoomiye Ku Xigeenka  Togdheer  Maxamed  Diiriye Xayd,ayaa   soo dhaweeyay tababarkan una mahad  celiyay  ururka Solja, ” Tababarkan  maanta  Solja u qabatay suxufiyinta aad baa u soo dhaweynayaa ,waxaanan filayaa in aqoon badan ka korodhsan doonaan, oo  aanay cidka ku gefi doonin, anaguna waxaanu balan  qaadaynaa inaan gef loo gaysan karin.”
 
Mr. Yoonis Cali Nuur  oo ka mid  ahaa macalimiinta  hagaysa  tababaradan,ayaa tilmaamay  in suxufiga aqoonta  lahayni  la mid yahay  dhakhtar aan aqoon lahayn, sidaas darteed   uu gaysan karo dhibaato badan,waxaanu   ku guubaabiyay ka qaybgalayshii   inay  markasta ku dadaalaan   sidii aqqonta u sii korodhsan lahaayeen.
Tababardan  waxa kale oo ka qaybgalay  Masuuliyiinta  Xisbiyada  qaranka ee gobolka,Madaxda Komishanka  gobolka.
 
Tababaradan  ayaa  waxa kala  maal-galisay hay’adda SIDA, isla markaana waxay soo marisay ururrada FORUMSYD, SLRF (Somaliland National Association in Sweden) iyo SONSAF, kuwaasoo qayb ka ah mashruuc saddex sanno ah oo Ururka SOLJA ka fulinayo Somaliland, halka  tababarka labaad   maalgalisay  safaaradda Maraykanka ee Nairobi , waxaana loogu talo galay in saxaafadda lagu baro kaalinta ay ku leeyihiin hanaanka Doorashooyinka (Orientation Workshop on the Role of Media on electoral Process).
Ururka  Solja, ayaa dadaal balaadhan ugu jira  sidii suxufiyiinta  Somaliland  kor loogu qaadi  lahaa tayada  aqoontooda.