Obma Oo Ku Baaqay in Dagaalka Siriya Meel Dhex la iskugu Yimaado

New York (berberanes) Madaxweyne Obama, ayaa ku baaqay in meel dhexe laysugu yimaado si loo dhameeyo dagaalka Syria.
150928145254_obama_un_624x351_afp_nocredit
Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka Qaramada Mdioobay ee New York, ayuu sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dal kasta oo ay ku jiraan Russia iyo Iran, si wax looga qabto dagaalka.
Wuxuu sheegay in Syria aysan ku soo noqon karin ka hor dagaalka sidii ay aheyd, oo loo baahan yahay xilli looga guurayo Bishaar Al-Asad, kaasi uu sheegay inuu dhibaateeyay dadkiisa, isagoo u adeegsaday hubka kiimikada iyo duqeyn aan loo meel dayin.
Wuxuu ku adkeeyay dhammaan xubnaha inay doortaan iskaashiga dagaalka, wuxuuna tilmaamay heshiisyadii dhowaan ee Iran iyo Cuba, isagoo tusaale ugu soo qaatay in diblomaasiyadda ay gaari karto wax ka badan dagaal iyo jajuub.
Obama, waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in aqalka Kongareeska uu ka qaadi doono cunoqabateynta ay ku soo rogtay Cuba in ka badan 50 sano ka hor.