Dagaalyahanada Taliban oo weeraray magaalada Kunduz

Afganistan (berberanews) Saraakiil Afghanistan ah, ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahanada Taliban ay dhowr jiho ka weerareen magaalada muhiimka ee waqoyiga ee Kunduz.
150809064902_afghan_militia_forces_624x351_getty
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaal xooggan uu xiray wadooyinka, kuna qasbay dadka deegaanka inay kaga baxaan magaalada jidadka yar yar.
Taliban, ayaa kaga baxay magaalada labada jid ee waa weyn ee laga soo galo, markii ay gubeen dhismooyin, oo muddo kooban ay haysteen isbitaalka.