Nin u Dhashay Shiinaha oo Muuqaal ahaan aad ugu Eg Madaxweyne Obama

Nin lagu magacaabo Mr. Xiao Jiguo oo u dhashay dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolka badhtamaha ee la yidhaa Sichuan, ayaa muuqaal ahaan aad ugu eg Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama, isla markaana u lebbista, jecelna inuu u dhaqmo sida Obama.

Ninkan oo ah 29 jir ku shaac-baxay aflaam badan oo uu metelay, isagoo si gaar ah qaybqaata amma door jilaanimo ka yahay filimo lagu jilayo budhcad, inta badanna waxa uu jecel yahay inuu nidaamka Madaxweynaha Maraykanka u dhaqmo.

Mr. Xiao Jiguo oo lagu martiqaaday telefishan mawhibooyinka lagu soo bandhigo sannadkii 2012kii, ayaa dadku aad uga yaabeen sida uu ugu muuqaal eg yahay Madaxweyne Obama, isagoo waliba muujiyey dabeecado u gaar ah madaxweynaha Maraykanka.eeeg

Sida la ogaaday ninkani ma aha qofkii ugu horreeyey ee muuqaalka Obama aad ugu eg, balse Mr. Ilhahm Anas oo 40 jir ah, kuna nool magaalada Jakarta ee dalka Indooniisiya ayaa laf ahaantiisu aad ugu eekaaday Obama, isagoo waliba muqaalkaas dartiis lacag ku helay, waxaannu qoyskiisa ku caawiyey dhaqaale badan oo uu ku helay muuqaalkiisa, isaga laf ahaantiisuna safarro badan oo caalamka ah ku tegay.