Tartanka Ciyaarta leebka iyo qaansada oo lagu qabtay Degmada Boondheere

Muqdisho-(Berberanews)-Ciyaarta waran tuuridda (qaanso & leeb), ayaa toddobaadkan lagu Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana isku soo ballansaday rag duqppbay oocarruurnimadoodii ciyaari jirtay.

Ciyaartan waxay ka mid tahay ciyaaraha dhaqanka ee Somalida, waxaana dalka laga ciyaari jiray xilligii berri-simaadka, inkastoo la odhan karo waxay meesha ka baxday amaba ay si weyn u yaraatay, wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe.

Odayaasha, ayaa laba koox isu qaybiyay, waxayna tooganaayen goobada loogu talla-galay in shiishka lala helo. Kooxdii guuleysata ayaa saf galeysa, halka kuwo laga guuleystana lagu amro inay fallaaraha soo uruuriyan, inta ay ciyaartu socoto.

Ciyaartu waa mid xiiso gelinaysa dhalinta iyo duqooshinka ciyaaraysa, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, oo ciyaartan ku sheegay mid madadaalo ah, sidoo kalana ay bannaan tahay in la qabto oo la ciyaaro.

6d10f265

Afhayeenka wuxuu tilmaamay diin ahaan inaanay wax dhibaato ah lahayn, isagoo intaa ku daray inuusan qofku waxba ku weynayn amaba kaga lumayn. Waxa uu xusay haddii aad shiishka la heli weydo goobta loogu talla-galay inaad ku weynayso dhowr ka mid ah fallaarahaaga amaba heerka horaynta ciyaarta.

Xalane, ayaa sheegay inay wanaagsan tahay inaad barrato sida loo ciyaarto ciyaartan, taa oo qofka ka caawinaysa xerfadiisa inuu wax beegsado. Barrashada ciyaartan ayuu sheegay inay u wanaagsan tahay sida dabaasha oo kale.

Tani waxay ka turjumaysaa ifafaalaha nabadeed ee ka jira Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay markii Dowladda Somaliya ay la wareegtay gacan ku haynta 17-ka Degmo Gobolka Banaadir.35197b50 838f2857 369a7137

288cd5da