Itoobiya oo si rasmiya u bilowday khadka tareenka casriga ah oo lacag badani ku baxday

Addis Ababa-(Berberanews)-Dawladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya kaas oo isticmaalaya Koronto, waxaa ku baxday 470 milyan oo doolar.

Halkii saacba wuxuu qaadi karaa 60 kun oo rakaab ah.

Tareenadan oo isugu jira kuwo cadiin iyo cagaar ah iyo kuwo buluug iyo cadaan ah waxa ay ka shaqayn doonaan k 34 km oo magaalada gudaheeda iyaga oo koronto ku shaqaynaya.

Waxa ay adeeg siin doonaan hal milyan oo ruux maalintiiba qiimuhuna waxa uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii.150920170812_ethiopia_tramway__512x288_bbc_nocredit

Mashruucani waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiinays ah waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.

Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saac maalin kasta isla markaana ay wax wayn katari doonaan cidhiidhiga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Xigasho Bbc