Dhacdo Muujinaysa Khatarta ay Leedahay Daawada sida Khaladka ah Dhakhatiirtu ugu Qoraan Bukaanka

Dawada sida khaladka ah dhakhaatiirtu ugu qoraan dadka bukaanka ah, ayaa keenta carqalad caafimaad-darro  oo muddo dheer ah amma in qofku u geeriyoodaba saamaynta ay ku yeelato caafimaadkiisa.

Dunida meel kasta waxa ku dhinta amma caafimaad-darro xun haleeshaa dad dhakhaatiir si khalad ah u siiyeen dawo aan ahayn tii loogu talagalay in xannuunka haya ay wax ka tarto.

Haddaba, dhakhatar u dhashay dalka Koonfur Afrika, balse muddo 15 sanno ah ka shaqaysanayey dalka Ingiriiska, ayaa nin bukaan ah si khalad ah u siiyey dawo keentay in xidido badan oo wadnaha ah xidhmaan, kadibna uu arrintaas u dhinto.kkkkkkkkkkk

Nin la yidhaah Arnold Harper oo 56 jir ah, waxa diyaarad lagu geeyey cusbitaal la yidhaa Royal Preston Hospital markay taariikhdu ahayd bishii November ee 2013-kii, isagoo dhaawac xun qaba oo ka soo gaadhay goob uu ilaalinayey , balse Dr. Pieter DuPreez, ayaa dawo khalad ah siiyey, taaso keentay dhimashadiisa.

Kadib, markii dhakhaatiiru baadhitaan ku sameeyeen si loo ogaado in daawadaas khaladka ah keentay geeridiisa, ayaa la soo saaray go’aan dhakhaatiireed oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, sheegayana in aannu Mr. Harper si dabiici ah u geeriyoon, balse ay sabab u ahayd dawada la siiyey.

Dhakhatarka dawada siiyey oo damacsanaa inuu bukaankan siiyo wixii dawo ah ee u qornaa, ayaa si khalad ah dawo kale ugu muday ninka bukaanka ahaa, taasina ay keentay in si dhakhso ah ay daawadaas u gaadho wadnaha, kadibna cadaadiska dhiigga ee bukaankan uu kor u kacay, sidaasna uu ku xidhmay wadnuhu muddo yar kadib.

Dhakhatarka falkan ku kacay oo Khamiistii toddobaadkan la keenay maxkamadda, ayaa waajahay qoyska ninkan, isagoo ku jira saxaaradda markhaatiyada la geliyo, waana wejigiisa ka muuqday murugo iyo ilmo ku soo taagnayd indhihiisa.

“Aad baan uga xumahay, khaladkaas waan sameeeyey, inuu saamayn intaas le’eg yeelanayo maan garanayn, balse aad baan uga xumahay qofka aad waydeen,” ayuu yidhi dhakhatarku.

Obama oo si ka baxsan anshaxa guriga cad ee soo dhawaynta martida ugu qaabilay Boqorka Sucuudiga