Booliska Angola oo raadinaya mulkiilaha hal milyan oo dollar

Angola-(Bbc)-Booliska dalka Angola ayaa waxa ay raadinaayaan milkiilaha hal milyan oo dollar oo boorso kujirta taas oo looga dhextagay diyaarad kusii socotay Shiinaha.

Duuliyaha diyaaradda ayaa lacagtaasi helay, wuxuuna ku wareejiyay lacagta maamulka dalka Angola.

Waa sharcidaro in lacag intaa la eg lagu safriyo dunida oo dhan iyo dalkaasi gudihiisa ama laga gudbiyo xuduud.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska dalkaasi Angola oo lagu magacaabo, Aristófanes dos Santos, ayaa waxa uu sheegay in lacag gaareysa 1,032,000 oo dollarka Mareykanka ah in la helay waxyar ka hor intaysan diyaaradda ka kicin garoonka caalamiga ah ee Luanda.

Boorsada ay lacagtan ku jirtay waxaa laga helay meel u dhow mid ka mid ah kuraasta qeybta Business class ka ee diyaaradda.150728143946_dirty_money_2_624x351_thinkstock

Mr dos Santos ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda uu sidegdeg ah arrinta ugu wargeliyay ciidamada amniga ee garoonka, kuwaas oo illaa iyo hadda isku deyaaya inay helaan qofka leh lacagtan.

Afhayeenkan u hadlay Booliska waxa uu tilmaamay in baaritaan hadda ay bilaabeen si ay u helaan meesha asal ahaan lacagtan ay ka timi.



Lacagtan faraha badan ayaa waxa jahwareer gelisay dalka Angola, sharciga dalkaasi ayaana dhigaya qofkii lagu arko asigoo lacag intaa la eg boors ku sita in la xiro oo la ganaaxo.

Dadka arrimaha dhaqaalaha ku taqasusay waxa ay sheegayaan, qofkii lacagtaas soo sheegta inaan loo celindoonin oo uu heli kar oo keli ah 1.5 boqolkiiba.

Wuxuuna wajihi doonaa dembiyo la xiriira qaadidad lacag sharcidaro ah iyo jebinta shuruucda dalka.