Kumanaan Reer Australia ah Ayaa Dhakhtarrada Ilkaha Awgood Halis ugu Jirta Cudurrada AIDS-ka iyo Beer Xannuunka

Sydney (berberanews)- Kow iyo Toban kun oo qof oo ah muwaadiniin reer Austareeliya ah ayaa looga yeedhay xarumaha caafimaadka ee qaranka si loogu sameeyo shaybaadh, kadib markii ay soo baxday cabsi ah in dadkaasi ay qaadeen Fayraska keena caabuq beerka ku dhaca noocyada jooniska A, B iyo C iyo sidoo kale cudursidaha HIV ee AIDS ka keena.
download (1)
Masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka New South Wales ayaa sheegay in 12 dhakhtar oo dalkaas u dhashay oo ka hawlgala 4 xarumo caafimaad ay iyaga oo aan buuxin shuruuddii badbaadada iyo fayo-dhowrka ay nadiifin/maydhis, buuxin, saaris ilkaha ah u sameeyeen dadkan laga cabsi qabo in ay cudurrada qaadeen.
Lix dhakhaatiirtan gaabiska samaysay ah ayaa markii warkan la ogaaday durbadiiba laga qaaday rukhsaddii shaqada, halka Lixda kalana loo ogolaaday in ay shaqadooda sii wataan balse shuruud iyo xakame sharci oo loo dejiyey ay raacaan, sidoo kale waxaa baadhitaan dacwadeed lagu furay xarumaha caafimaad ee ay dhakhaatiirtani ka hawlgeli jireen, iyada oo lagu eedaynayo in ay ku guul-darraysteen in ay hubiyaan in dhakhaatiirta ka hawlgelaysaa ay buuxisay shuruudihii dalka uga yaallay arrimaha caafimaadka.
Xigasho: Geeska Afrika