Warqaddii (Letter Of Death) dabar-goynta bulshadda Somaliland ee Maxamed Siciid Moorgan iyo qaabkii loo loo gaadhsiiyey dunida

Hargeysa (Jam)– Kulan isagu jira afur-wadareed iyo barnaamij lagu xusayey warqaddii “sir culus” (letter of death) ee xasuuqa bulshada Somaliland oo Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan u qoray Maxamed Siyaad Barre iyo Axmed Saleebaan Dafle markay taariikhdu ahayd 23 January 1987, ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dallada SONYO ee magaalada Hargeysa habeenimadii Khamiista.

xafladda warqada

 

Xafladda oo ay qabanqaabisay dallada dhallinyarada Somalialnd ee SONYO iyo laba mujaahid oo la kala yidhaa; Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) iyo Cabdi Xuseen Ciisa oo iyagu gacanta ku dhigay warqaddaasi oo nuxurkeedu ahaa qorshe lagu damacsanaa in lagu dabar-gooyo dadka isir ahaan ka soo jeeda beelaha dhexe ee Somaliland iyo cidkasta oo loo arko inay taageero siinayso ururkii SNM, waxaanna madasha lagu gorfeeyey sidii warqaddaasi loo ogaaday ee Muqdisho looga helay, qaabkii looga soo saaay Soomaaliya ee calaamka loogu baahiyey iyo weliba ciddii ka dambaysay fashilaadda dhukumentigaasi.

Muj. Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) oo isagu ahaa ninkii lahaa fikraddii warqaddaasi loogala soo baxay kaydka aarkiifiyada Wasaaraddii Daakhiliga ee uu Wasiirka ka ahaa Axmed Saleebaan Dafle nidaamkii Siyaad Barre, isagoo muwaadinkani halis u galay sidii warqaddan dibadda loogu soo saari lahaa, iyadoo jiritaanka warqaddan iyo halkay taalay ogaaday, kadibna ka soo saaray aarkifiyada la odhan jiray Axmed Maxamed Tukaale (Barbaraawi), halka Cabdi Xuseen Ciise oo isagu ahaa ninkii u horreeyey ee markii warqaddaasi la soo saaray loogu dhiibay Jeddah.

xuska sirta warqadda

Ugu horrayn, Jaamac Cali Cismaan (Jaamac Yare) oo ka hadlay xafladda, ayaa faahfaahiyey xogta ku saabsan warqaddan sirta ah, waxaannu yidhi, “Waxaamnu helnay warqaddan annagoo meel wada fadhina xilli habeen ah Xasan Xawaadle iyo Alle ha u naxariistee Cali Tuur ayaa waxa kasoo noqday gobolka Waqooyi wefti loo diray markaasaan ku idhi xageed tagaysaa? Markaasuu yidhi qoladeenii baan u tagayaa, markaasaan ku idhi saw warkan maad sheegteen, markaasuu yidhi haa kadib ayaan ku idhi ha sheegin warkani waa war khatar ahe, markaasuu yidhi aynu qarsanee warqaddaasi ma heli karaynaa? Waxaanu isku nidhi waxkasta ha nagu qaadatee waa inaynu warqaddaas helnaa, markaasaan idhi nin aannu saaxiib nahay oo ka shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo haya qaybta aarkiifiyada ayaa maanta ii yeedhay oo ii sheegay warqaddaas oo igu yidhi waar waxan la idinka soo qoray kaalay eega.”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, haddana ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI Muj. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isna ka hadlay xafladda oo yidhi, “Warqadda la inoo arooriyey way ina aroorisay, ninba meelbay gaysay Ilaahay aroorkaa mid san ha ka yeelo. Annagu qoladii markaa Diri-dhaba joogtay baanu ahayn, March 1987 waxaannu kasoo baxnay shirwaynihii 5-aad ee ururkii SNM oo ahayd markii labaad ee la doortay Axmed Siilaanyo, xarunta Diridhaba ayey noogu timi warqaddaasi iyadoo af-Ingiriisi ah.”



Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo jeediyey in Somaliland wax ka barato taariikhda hore ee ay soo martay, “Maanta waxa halkaasi ka dhacaya waad arkaysaan, waxa la inooga baahan yahay in taariikhda wax laga barto oo aynu ka barano waxyaabihii ina soo maray, taariikhduna siddeeda maaha wax buugaag uun lagu qoro ama af laga yidhaahdo.”

warqadda sirta

“Warqaddan ay labada mujaahid halkan innoogu soo bandhigeen ee fashilisay qorshihii dabar-goynta Siyaad Barre run ahaantii waxaan u arkaa inay ahayd shimbir uu Ilaahay u soo diray bulshada reer Somaliland ee aan waxba galabsan ee uu taliskii Siyaad Barre gummaadayey. Waxaanan leeyahay labada mujaahid ee Jaamac Cali iyo Cabdi Xuseen Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo wax wayn baad dadkiina u qabateen oo maanta warqadda midhaheedii waa kuwaa idiin muuqda,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Sheekh Aadan Siiro, Guddoomiyaha Dallada SONSAF Mustafe Sacad, Guddoomiyaha dallada SONYO, Wasiirka Dib-u-dajinta Cali Siciid Raygal, Mujaahid Cabdi Xuseen Ciise oo isaguna ah mujaahidka 2aad ee helay warqadda dabar-goynta iyo aqoonyahan kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday kaalinta ay warqaddani ka qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xorreeyey, isla markaana madashaasi dhamaantood ka qiray inay kaalin aan la qarin karin ay warqaddaasi sirta ahi ku lahayd halgankaas.

Xigasho Jamhuuriya