Ururka SOLJA oo wallaac ka muujiyey qaabka loo bixiyo qandaraasyada wacyigelinta codbixiyeyaasha

Hargeysa (Berberanews)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xoogan ka muujiyey qaabka loo bixiyo qandaraasyada la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana lala garab maray hay’adaha warbaahinta oo arrintaas xaq u leh, mihnadooda shaqana ku salaysan tahay.

Guddoomiyaha ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta, waxa uu baaq u diray Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo qaadhaanbixiyeyaasha caalamiga ah, isagoo xusay in aan si haboon loo gaadhsiin bulshada wacyigelinta ay xaqa u leeyihiin ee arrimaha doorashooyinka.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac ballaadhan ka muujinayaa in hawlihii ay warbaahintu qaranka u haysay ee ahayd wacyigelinta ay la wareegaan hay’ado caalami ah iyo kuwo waddani ah, taasoo sababtay in ay bulshada gaadhi waayaan aqoontii ay u yeelan lahaayeen qorshayaasha siyaasadeed, bulsho iyo shuruuc ee ay u baahnaayeen in ay helaan.Xuuto

Xiligan oo lagu jiro wakhti xaasaasi ah, gaar ahaana dhinaca Doorashooyinka waxa jira in aanay bulshadu xog badan ka hayn qaabka iyo hannaanka ay wax u wadaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa kale ee ay khusayso, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in warbaahintu hesho warbixino dhamaystiran oo bulshada lagula socodsiiyo masiirkoodu halka uu marayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA, isagoo intaas raaciyey; “Warbaahinta Somaliland waxay hore ula socotay in dhibaatooyinkii ka dhacay Diiwaangalintii cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka ka dambeeyeyba ay sabab u ahaayeen hay’addihii iyo masuuliyiintii ku shaqada lahayd hawshaas, gaar ahaan dhinaca wacyigalinta oo aad u hoosaysay sida ay xuseen warbixinihii ay soo saareen hay’adihii loo xil saaray la socodka hawlahaas.

Sidoo kale, waxa soo shaac baxaya in mugdi badan ku jiro qaabka loo maareeyey hawsha wacyigalinta diiwaangalinta cod-bixiyayaasha oo ay Hay’adda IOM bixisay qandaraaska wacyigalinta oo ah hawl muhiim u ah inay dalka oo dhan ka wada dhacdo Diiwaangalinta Codbixiyayaashu, maadaama oo tii hore u xumaatay sidan oo kale.”

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in xilkii Komishanka Doorashooyinku gacanta ugu jiro hay’adaha ka caawiya Somaliland hannaanka doorashooyinka.

“Waxa kale oo muuqata in xilkii Komishanka Doorashooyinku lahaa ee ahayd inay hagaan hawlaha caqabada ku noqon kara hawlmaalmeedkooda inay wali gacanta ugu jiraan hay’addaha Somaliland ka caawiya hannaanka Doorashooyinka, kuwaas oo aan ilaalinayn shuruucda iyo nidaamka u dejisan qarankan.

Weli waxa taagan khilaafkii ka dhashay dariiqii loo maray muddo-kordhinta wakhtiga Xukuumadda oo ka dhashay xil gudasho la’aanta hay’addaha dawliga ah iyo kuwa Somaliland caawiya oo ka dib dhacay inay fuliyaan hawlihii caqabada ku ahaa in Doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan oo ay ugu horaysay khaladaadkii la galay Diiwaangalintii hore oo haddana imika la doonayo in mid cusub la sameeyo.

Warbaahinta Somaliland waxay la socotaa in khilaaf ballaadhan ku dhex maray hay’adaha bixiya Qaadhaanka hawlaha Doorashooyinka iyo kuwii ku tartamay qalabka la doonayo in Diiwaangalinta lagu qabto, dhacdaadaas oo aan ilaa hadda caddayn halka ay ku danbaysay, kadib markii dacwad gaadhay Midawga Yurub lagu baabi’iyey Qandaraaskaas qayb ka mid ah oo lagu helay in loo bixiyey sifo sharci-darro ah oo ka hor timid habka loo bixiyo Qandaraasyada.

Tartankii ugu dambeeyey ee Hay’adda IOM ku bixisay qandaraaska wacyigalinta oo ay ka qayb qaateen ku dhawaad afartan Urur (NGO) waxa ka muuqda mad-madow badan oo ka baxsan shuruudihii ay ku soo xayaysiiyeen in loogu tartamayo iyo doorkii ay lahaayeen Komishanka Dorashooyinka Qaranka, waxaanay arrimahaasi horseedi karaan in ay ka soo baxaan caqabado la mid ah kuwii ragaadiyey diiwangalimihii hore, haddii aan la tixgalin kaalinta ay warbaahintu ku leedahay hawshan.

Sidaas daraadeed, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’addaha qaadhaan-bixiyayaashu inay ixtiraamaan shaqada warbaahinta Somaliland u hayso qarankan oo doorkooda loo daayo,” ayuu warsaxaafadeedka ku yidhi guddoomiyaha SOLJA.