WADDANI oo farriin baaq culus xambaarsan u kala diray Beesha Caalamka iyo shacbiga Somaliland

Hargeysa (Jam)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay saamayntooda xooggan u adeegsadaan sidii Somaliland uga bixi lahayd khilaafka siyaasadeed iyo dhibaatooyinka dastuuriga ah ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo soo saaray warsaxaafadeed ku qoran luqadda Ingiriisiga oo Jamhuuriya u rogay Afsoomaali, waxa uu sheegay in xukuumadda KULMIYE ka baaqsatay hirgelinta heshiis saddexda xisbiga qaran kala saxeexdeen 27 May 2015kii oo dhigayey in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016.

“Mucaaridku waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka inay xoojiyaan ballanqaadkooda iyo sida ay uga go’an tahay taageerada hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, una adeegsadaan awoodda iyo saamaynta xafiisyadooda wanaagsan leeyihiin si looga caawimo Somaliland sidii ay uga bixi lahayd khilaafka siyaasiga iyo masiibooyinka dastuuriga ah ee sii xoogaysanaya,” ayuu yidhi Dr. Fadal.FADAL

Waxa kaloo uu baaq culus u diray shacbiga iyo hal-doorka bulshada reer Somaliland oo uu ka codsaday inay kaalin ka qaataan sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa KULMIYE.

“Waxa mucaaridku ugu baaqayaa dadka reer Somaliland inay ku dhegganaadaan xaqa dimoqraadiyadeed ee ay u leeyihiin doorashooyinka, isla markaana xukuumadda kula xisaabtamaan xaaladaha ku saabsan khilaafka dastuuriga ah ee hadda taagan oo meesha ka saaraya, hadheeyeyna daacadnimada xukuumadda iyo sharcinimada ay tallada ku haynayso,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal, isagoo intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu hal-doorka bulshada Somaliland ugu baaqaynaa inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Siilaanyo inuu hirgeliyo heshiiskii la isla qaatay ee la xidhiidhay waqtiga doorashooyinka, dalkana ka badbaadiyo xaaladaha siyaasadeed iyo khilaafka dastuuriga ah ee sii xoogaysanaya, maadaama ay hal-doorka Somaliland horeba cadaadis u saareen xisbiyada mucaaridka.”



Xoghayaha Arrimaha Dibadda WADDANI, ayaa sidoo kale hadlay tallaabooyin la filayey inuu qaado Madaxweyne Siilaanyo si loo hirgeliyo heshiiska xisbiyadu gaadheen, waxaannu yidhi; “Madaxtooyadu iyada ayaa fidisay gogosha lagu wada xaajooday, sidaa darteed waxa la filayey inay hirgeliyaan natiijada ka soo baxday heshiiska, balse madaxtooyadu kama shaqayn sidii Golaha Guurtida iyo guddoomiyahooda loogu qancin lahaa heshiiska. Ma saxeexin heshiiska, wax digreeto ahna laguma soo saarin waqtiga doorashooyinka. Looma gudbin Maxkamadda Sare si ay meesha uga saarto go’aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu xilka ugu kordhiyeen 22 bilood madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Sidoo kale lamay xidhiidhin Komishanka Doorashooyinka Qaranka si la iskula qaato waqtiga doorashada ee lagu heshiiyey.”

Muddada shanta sanno ah ee la doortay xukuumadda KULMIYE, ayaa ku buuxay Jimcihii toddobaadkan oo taariikhdu ahayd 26 June 2015, balse muddo-xilleedka sharciga ah ee madaxweynuhu waxay dhammaanaysaa 27 July ee sannadkan.