Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo lala eegtay qarax khasaare geystay

Muqdisho (berberanews) Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani ayaa ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyadii galbineysay, kaddib markii mid ka mid ah gawaarida ciidamada lagu dhuftay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
IMG_0104-500x334n
Goob jooge ku sugan isgoyska Trebuunka oo ka tirsan degmada Hodon ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 11-ruux oo ka mid ah askartii ilaalada u ahayd safiirka, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale halkaasi uu si xun ugu geeriyooday ninkii wadaha ka ahaa gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaddib markii jirkiisa oo cad cad u go’ay laga helay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo qaraxa sidoo kale ay ku geeriyoodeen 11-ruux oo ka dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaasi, hase yeeshee safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaan isagu wax khasaare ah ka soo gaarin qaraxaasi.