Rayidkii ugu badnaa oo bisha Ramadaan ku geeriyooday weerarkii maanta Muqdisho ka dhacay iyo Al-Shabaab oo sheegatay + Sawirro

Muqdisho (berberanews) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax geystay dhimashadii ugu badneyd ee dad shacab ah tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan, kaddib markii dhaawacyo fara badan oo la geeyay goobaha caafimaadka intooda badan geeriyoodeen.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya isbitaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ku dhowaad toban ruux oo dhaawac ahaan loo qaaday siyaabo kala duwan ugu geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxii is miidaamin ee maanta ka dhacay isgoyska Trebuunka ee magaalada Muqdisho.
Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah qaarkood xaaladoodu aad u daran tahay, isla markaana dalka gudihiisa aan wax looga qaban karin, halka qaarkood xaaladooda soo hagaageyso.
Weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lala beegsanayay kolonyo galbineysay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, hase yeeshee aanay waxyeello gaarin gaarigii uu safiirku saarnaa, iyadoo gaariga qaraxa lagu raray lagu dhuftay mid ka mid ah gawaarida ilaalada la socotay safiirka.
Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka xarakada Al-Shabaab ayaa isagoo u waramayay Telefishanka Aljazeera wuxuu sheegay in weerarkaasi ay iyagu ka dambeeyeen, sida uu sheegay ay waxyeelo ku gaarsiiyeen saraakiil Imaaraadka Carabta u dhalatay, inkastoo warar madax bannaan aanay xaqiijin sheegashada Al-Shabaab.
Dhinaca kale guud ahaan tirada dadka ku geeriyooday ayaa gaaraya 15-ruux oo u badan shacab ka dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay oo ahayd waddo ay ku badnaayeen dadka rayidka ah iyo goobo ganacsi, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-ruux oo qaarkood xaaladooda caafimaad laga deyrinayo.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

A Somali woman walks past the scene of a suicide car explosion in Hodan district in the capital Mogadishu June 24, 2015.  REUTERS/Feisal Omar

Somali government forces assess the scene of a suicide car explosion in Hodan district in the capital Mogadishu June 24, 2015. REUTERS/Feisal Omar

Berberanews.com