Faransiiska oo u yedhay Safiirkoodii Maraykanka

US (berbernews) Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska François Hollandeayaa lagu yidhi “Waa mid aan sinaba loo aqbali karin”, iyaga ooka jawaabaya warka soo baxay ee shegaya in saddex Madaxweyne oo Faransiis ah Maraykanku dhegaysan jirey wada-hadalkooda  telefoonada waxaana ay khatar ku tahay nabadgelyada Faransiiska.
1daa653c8e9448af9ce07c159b1dab35_18
Madaxweynaha Fanasiiska ayaa isla maanta xukuumadiisa ugu baaqey shir deg-deg ah oo looga hadlaayo Dokumintiga la daabacay ee loogu magacdarey Basaasidii Elysee. Kadib markii shirku u soo dhamaadey ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Laurent Fabius sheegay in ay u yeerteen safiirkoodi dalka Maraykanka u fadhidey Jane Hartley, iyaga oo mudaaharaadaya basaasnimada Maraykanka.
Sidoo kale gabadha hoggaamisa Xisbiga Mucaaradka ah Marine Le Pen ayaa sheegtey in basaasnimadda Maraykanku ay muujineyso in aanu Maraykanku ahayn garab iyo xulafo, waxaana ay ku baaqdey in la joojiyo wada hadalka Ganacsiga ee Washington DC aan la leenahay.
Sanadkii 2013 ayaa      wageyska le monde qorey in Sirdoonka Maraykanku ay duubeen oo dhegaysteen malaayiin cod oo ah wada-hadalka dhexmara dadka Faransiiska. Muddo bil gudaheed ah ayaa la sheegay in Sirdoonka Maraykanka ay aruursheen in ka badan 70 bilyan xog si hoose looga duubay isgaarsiinta shacabka Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska ayaa Obama kala hadley arrintaas, laakiin waxaanu ogeyn in isaguba ka mid ahaa kuwa la dhegaysan jirey.
Faransiiska oo ah dal awood ku leh Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa si weyn uga gil-gishey Saaxibkoodi basaasnimada kula kacay, waxaana ay jawaab ka sugayaan Maraykanka. Sidaan oo kale ayaa Maraykanku horey u dhegaysan jireen telefoonada Mustashaarka Jarmalka Angela markel Madaxweynaha Barazil Dilma Rousseff iyo madax kale ooc aalamka ka tirsan.
Maraykanku weli wax jawaab ah kama bixin dokumentiga la daabacay