Dawladda Uganda oo heegan galineysa Ciidamadeeda iyo Sababaha ku Gadaaman

Uganda (berberanew) Dawladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heegan sare gelineyso ciidamadeeda ammaanka, iyadoo magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi la geeyay ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka aan xabadaha karin iyo kuwa ciidamada lagu daabulo.
enanga-600x360-500x300
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqa ciidamada Booliska iyo kuwa ka hortaga argagixisada si aad ah loogu daadiyay waddooyinka waaweyn ee caasimada dalkaasi.
Fred Enanga oo ah afhayeenka Booliska dowladda Uganda oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ay xoojinayaan amniga iyo xasiloonida dalka.
“Al-Shabaab waxay dooneysaa inay dalkeena ka geysato weeraro la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka geystaan, anaguna taasi waan ka feejiganahay” ayuu yiri Fred Enanga.
Afhayeenka ciidamada Booliska Uganda oo u waramayay Wakaaladda Wararka Xinhua News Agency ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsanayaan meelaha ay dadku ku badan yihiin, sidaasi daraadeedna ay suuragal tahay inay geystaan weeraro la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka geystaan.
Dhinaca kale afhayeenka Booliska Uganda ayaa sheegay in kooxda xiriirka la leh Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ay ku hanjabeen inay bisha Ramadaan kordhinayaan weerarada ay ku hayaan dalalka Afrika ee ciidamada geeyay Soomaaliya.