Dalka Baakistaan oo Dad ka Badan 450 Qof ay ugu dhinteen kulaylaha Xagaaga

pakistan (berberanews) Heerkulka cimilada ayaa gaarey heerkii ugu xumaa dalka Pakistan, waxaana ilaa hadda kuleyl dartiis u geeriyoodey dad ka badan 450 qof.
pakistan-740x416
Gobolada Koonfureed ayaa ugu daran halka heerkulku gaarey 45C, gaar ahaan magaalada ugu dadka badan Pakistan ee Krachi.
Isbitalada ayaa buuxsamey kadib markii halkaa la geeyey dad madaxa kuleyl kaga dhuftey oogada iyo dhuuntuna qalashey.
Korontada ayaa aad u yaraatey oo go’aysa meelaha qaarkeed kadib markii Matooradu xamili waayeen isticmaalka Korontada xad’dhaafka ah, Sidoo kale biyaha ayaa xaafadaha qaar ka go’ay magalada Karachi.
Dadka kuleyluhu sabab u noqdey geeridooda ayaa u badan dadka fakhriga ah, kuwo aan guryo haysan iyo dad waayeel ah. Heerkulka cimilada ee sare u acay ayaa ku sooobeegmaya iyada oo lagu jiro bishii Ramadaan.
Bishii hore ayaa sidaan oo kale Heerkulka cimiladu gaarey dalka Hindiya meel xun waxaana u geeriyoodey Dad ka Badan Kun Qof  kuleyka Hindiya ayaa gaarey heer Jidadkii lamiga ahaa dhalalaan