Haweenayda Wasiirka arrimaha Gudaha Isra,iil oo Raali galin u Dirtay Madaxwaynaha Maraykanka

Talaviv (berberanews) Xaaska wasiirka arrimaha gudaha Israa’iil ayaa raaligalin ka abixsay qoraal ay soo galisay barteeeda Twitter-ka oo ku saabsan Madaxweyne Obama oo dadka qaar ay ku sifeeyeen mid isir nacayb ku salaysan.
images
Judy Shalom markiiba way saartay qoralakaasi oo ay Obama kala mid dhigtay bun maadaama beey tidhi uu yahay ”madow jilicsan”
Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay qof kasta oo dhibsaday qoraalkeeda waxa ayna sheegtay in ay rajaynayaso in ninkeeda uusan u furi doonin hadalkaa dartiis.
Ninkeeda, Silvan Shalom shaqadiisa siyaasadeed waxaaa ka mid ah wanaajinta xariirka Maraykanka iyo Israa’il . Arrintan ayaa ah Mid Carqalad ku ah Ninka Haweenaydan oo isaguna Haatan ku Khasban in uu Raali galin ka Bixiyo Aflagaadadan Haweenaydiisu u soo Jeedisay Madaxwaynaha Maraykanka