Daalibaan oo Weerar ku Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Afqaanistaan

Kaabuul (berberanws) Weerarkii ay Taliban ku soo qaadeen dhismaha baarlamanaka dalka Afghanistan ayaa la soo sheegayaa inuu dhamaaday. iyadoo la wada dilay dhamaan lixdii qof ee weerarka qaaday. waxaana sidaasi sheegay wasiirka arimaha gudaha.
150606153203__79055961_024751907-1
Wararkan ayaa sheegaya in dadka weerarka qaaday ay banaanka dhismaha dhigeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray ka hor inta aysan weerarin dhismaha.
Booliska ayaa isku dayaya inay la dagaalamaan kuwa weerarka soo qaaday. Sawiro la soo geliyay baraha bulshada ee internetka ayaa muujiyay qiiq ka baxaya dhismaha iyo dad cararaya.
Ururka Taliban ayaa sheegtay weerarkan si ay ugu beegaan xili cod loo qaadayay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. wararkii u dambeeyey ayaa sheegayay inaysan jirin wax rasaas ah oo hada dhacaysa. 18 qof ayaana lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkani.