Jaamacadda Admas oo lagu qabtay Xuska maalinta waxbarashada Somalilan

Hargeysa [Berberanews]-Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey xuska maalinta waxbarashada Somaliland ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Admas University ee Hargeysa waxaana munaasibaddan oo si quxuxbadan loo soo agaasimay ka soo qaybgalay Wasiirka waxbarashada Professor Faarax Cilmi Maxamuud [Geedoole] wasiirka Diinta iyo Awqaafta,wasiirka Dib u dajinta,Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,wasiiru-dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye,Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cismaan Saxardiid [Cadaani] Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Axmed Daahir Maxamed [Cadnaan] Agaasmayaal farabadan iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha Dawladda,maamulka iyo macalimiinta,ardayda Jaamcadda iyo dadweyne kale oo farabadan ayaa fiidkii horaba sii buuxiyey safafka hore ee kuraasta loogu talo galay marti-sharafta xafadaas.
DSC06532dhanka kale waxaa  isna halkaa la soo dhigay Buugga  Geeljire iyo aqoonjire oo ka hadlaya taariikh-nololeedkii Aabihii waxbarashada Somaliyeed Maxamuud Axmed Cali laga soo bilaabo sanadkii 1903 -1983 -waxaana Buuggaasi qoray wiil uu Marxuumku dhalay oo la yidhaado Ibraahim Maxamuud Axmed Cali kaas oo la arkayey ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi oo si fiican u iibsanayey Buuggaasi oo qiimihiisu yahay $15 oo kaliya.
DSC06535furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Boodka Admas University Mr Cadnaan ahna aas-aasaha xarunta Jaamacadda waxaanu sheegay inuu ka maamul ahaan si weyen ugu faraxsan yahay inay wasaaradda Waxbaashada Somaliland Jaamacadda Admas ku maamuustay inay qabato xuska maalinta waxbarashada Somaliland oo loo asteeyey inay maanta oo kale noqoto isla markaana loogu magacdaray Maxamuud Axmed Cali.
DSC06535Mr Cadnaan waxa uu ka sheekeeyey qaddar kamida taariikhdii Maxamuud Axmed Cali waxaanu sheegay inuu ahaa shakhsi nadiifa oo taariikh fiican ku lahaa bulshada ku hadasha afka Somaliga “Maxauud Axmed Cali oo aynu caawa taariikhdiisa ka sheekaynayno waxa uu ahaa khassi nadiifa oo tariikhda Somaliyeed-na meel-fiican kagalay” ayuu yidhi Mr Cadnaan.
DSC06583dhanka kalan waxa uu sheegay inay aqoontii Somalidu noqotay mid bukta oo xanuunsanaysa waxaana ku dhacay buu yidhi cudurka la yidhaado Qabyaalladda oo ah dilaa khatara oo cidda uu ku dhacaa aanay aqoonteedii iyo wixii ay baratay kagubaya “waxaan rabaa caawa inaan idiin sheego inuusan kulankeenani noqonin  mid lamida kuwii hore ee lagu kalatagijiray oo kale balse aynu ka soo saaro wax sii soocnkara mustaqbalka” ayuu yidhi Mr Cadnaan.
DSC06587dhanka kalana waxa uu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu arko wixii uu  ku haminayey isaga oo yar laakiin uu bilawgeedii bilaabay 2004 tii markii uu Hargeysa yimid maantana uu ay Jaamacaddii uu xiligaa furay ee Admas wax ka dhigaan qaarkamida Professor-rada wax ka dhiga oo markoodii hore ka mid ahaa ardaydii Jaamacadda Admas ka qalinjabiyey maantana gaadhay ilaa heer PHD iyaga oo Admas ka waxkabartay “waxaa caawa sharaf iyo faraddba ii ah inay caawa inalajoogaan qaarkamda ardaydii ka kabaxay Admas oo markiiay Admas ka bexeen Digriigii 1aad dib u galay Master-ka oo hadana PHD soo qaatay waxaana kamida Professor Maxamed Guudle waar-mee ha istaago Professor Guudle haduu joogo” ayuu yidhi Gudoomiyaha ahna aas aasaha Jaamacadda Admas University faraceeda Somaliland Mr Cadnaan Axmed Daahir.
DSC06591Agaasimihii hore ee  wasaarada cadaaladda Cawil Galaydh waxaanu ka waramay intii ay isaga iyo xunbno uu kamid ahaa gudigii qaban qaabada xafladdani waxaanu sheegay inay si fiican ugu soo dhamaatay balse ay dacaayado iyo erayo aan munaasib ahayn bulshada kala kulmeen.
Wasiirka waxbarashada Professor Faarax Cimli Maxamuud [Geedoole] oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay caawa farxad u tahay ka wasaarad ahaan inay Jaamacadda Admas ku sharfeen in lagu qabto xarunteeda waxaanu sheegay inay maanta waxbarashada Somaliland meel fiican marayso “maanta markaynu ka hadlayno Maxamuud Axmed Cali waxaynu ka hadlaynaa waxbarshadii Somaliyeed hadana meel fiican baynu maraynaa Jaamacadda Admas-na way hana qaaday waanay waanay sii hormaridoontaa” ayuu yidhi Wasiirka wabarashada Professor Faarax Geedoole.
waxaa isaguna madashaa ka hadlay Ismaaciil Dhubato Gudoomiyaha waxbarashada bariga Gobalka Maroodijeex oo kamid ahaa ardaydii waxkabartay Maxamuud Axmed Cali waxaanu sheegay inay farxad u tahay inay xaflada fadhiyaan wasiiro uu isagu qoray uuladoodii waxaanu yidhi “aniga waxaa i qoray iskuulka Maxamuud Axmed Cali waananku  faraxsanahay waxaakale farxad ii ah inay wasiirka awqaafta iyo diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Axmed Nuur Faahiye oo ah wasuru-dawlaha waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole isaga maan qorin laakiin waxaa qoray ninkii aanu isku galaaska ahayn” ayuu yidhi Mr Dhubato.
“Waxbarashadii uu 8 qof ku bilaabay Maxamuud Axmed Cali waxay maraysaa inay wiigga soo so cda imtixaanaadka shahaadiga ah u fadhiisanayaan arday gaadhaysa 24000 oo arday waxaanay ka dhasheen midhihii uu beeray” ayuu yidhi Mr Dhubato “Maxamuud Axmed Cali bal caawa sheega waxaynu ugu magacdarro ee uu astaahilo” ayuu yidhi Yuusf Ismaaciil Cali [Dhubato]
DSC06608“horta dee caawa nin waliba caawa xabuu ka odhanayaa taariikhdii Maxamuud Axmed Cali balse waxyaabaha aan caawa sheegayo waxaa kamida inuu migiga u dhexeeya Burco iyo Oodweyne ku dhashay sanadku markuu ahaa 1957″ ayuu yidhi Ismaaciil Cali Faarax Dhuato.
DSC06545Maxamed Jaamac Kayd oo isaguna kamid ahaa ardaydii wax ka soo baratay Maxamuud Axmed Cali kamid ah Abwaabadii hore hadana xanuunka Faaligu ku dhacay ilaahay ha caafiyee waxa uu ka waramay taarikhiidii hore ee Maxamuud Axmed Cali waxaanu ka sheekeeyey Jaamacadda Admas Univetsity iyo inuu kamid ahaa ardaydii wax kabaratay isla  markaana uu ku faanayo inuu kamid yahay bahda Admas  University “anigu waxaan kamid ahay dadkii wax ka aas aasay walibana waxkabaetay Jaamacadda Admas macalinkayagii oo saaxiibkay ah aasaasaha Admas Cadnaan oo halkaa fadhiyana waan salaamayaa” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Jaamac Kayd.
DSC06550Waxaa isaguna halkaa kaga sheekeeyey Maxamed Axmed Maxamed Jaamac oo kamid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyey qaban qaabada qoritaankii Buugani waxaana la arkayey ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi oo dhagahaha la sii raacayey waxaanu yidhi “Maxamuud Axmed Cali muu ahayn aabaha waxbarashada Somaliland oo kaliya balse waxa uu ahaa Aabaha waxbarashada ummadda Somaliyeed oo dhan oo yaynaan taariikda khaldin magaca Repubilc of Somaliyana yeynaan ka didin” ayuu ydihi Mr Jaamac.
DSC06618Yuusuf Jaamac Buraale oo isaguna kamid ahaa ardaydii Maxamuud Axmed Cali waxa uu ka waramay taariikdhii Maxamuud Axmed Cali waxaanu sheegay  inuu ahaa nin go’aan qaadasho fiican oo aan walaaca aqoonin isla markaana ahaa shakhsiyad qiimo badan ku layaa taariikhda Somaliyeed gaar ahaan waxbarashada.waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Axmed Cabdillaahi waxaanu si weyn u amaanay Maxamuud Axmed Cali iyo taariikhdiisii waxbarashada ee uu ku lahaa umadda Somaliyeed “Maxamuud Axmed Cali taariikhdiisii waxaa igaga filan ardaydiisii halkan ka hadlay balse waxkale ku darimaayee waxaan leeyahay aan ilaahay u barino inuu janadiisii fardawsa geeyo” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Axmed Cabdillaahi Axmed .
DSC06570Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cismaan Saxardiid [Cadaani] oo madashaa ka hadlay waxa uu si weyn ugu mahad celiyey maamulka sar ee Jaamacadda Admas iyo macalimiintooda oo suurto galiyey munaasibaddann qiimaha badanoo ay wasaardda waxbarashadu kushariftayin lagu maamuuso Jaamacaddooda Admas University “Maxamuud Axmed Cali hakgan buu galay waxaana ka soo gaadhay aflagaado,waxyeelaa ka soo gaadhay naftiisiina waxa uu-u huray inay dalkan iyo dadkani wax noqdaan anigana waxay ila tahay waxaynu ku sharfi karaa inaan sidiisii oo kale nafteena u hurro nooleynta midhisii uu ka tagay” ayuu yidhi Mr Cadaani.
DSC06559Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Axmed Gool Cabdi oo ka tirsan masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa waxaanu amaanay Jaamacada Admas University  iyo gudigii  soo qaban qaabiyey xafladdaasi lagu xusayo Aabihii waxbarashada Somaliyeed Maxamuud Axmed Cali.
DSC06629Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in buuga laga qoray Maxamuud Axmed Cali in la akhriyo oo aqoon aga koradhsado dhanka kalana waxa uu xusay qiimaha Xaaji Cabdi Kariim Xuseen oo loo yaqaano [Cabdi-waraabe] oo isaga Buuggiisa laga qoray dhawaan la soo bandhigidoono.
DSC06631“innagu haddaynu bahda Jaamacadaha nahay sida xisbiyada siyaasadda  masraxan kaga hadlimayo siyaasadda ee waa inaynu ka hadalaa waxbarashada iyo aqoonta sidii loo hormarin lahaa oo aynu cilmi-baadhis ku samaynaa waxa innaga maqan ee xagga culuumta  la xidhiidha” ayuu yidhi.
DSC06636DSC06660DSC06665DSC06683DSC06686DSC06691DSC06699Gabagabadii xafladdaasi waxaa ka  hadlay Gudoomiyah Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaaahi [Cirro] waxaanu sheegay inuusan isagu soo gaadhin waxbarashadiisii balse ay dhagihiisu waxbadan maqleen taariikhiida xagga waxbarashada iyo kaalintii uu ku lahaa hormarka umadda Somaliyeed iyo raadkii uu kaga tagay.
www.Baadiye.com