Kenya: Xarumo  Mihiin Ah  oo Amaankooda La Adkeeyay

Kenya (berberanews)-Dawladda Kenya ayaa adkeysay ammaankaxarumaheeda muhiimka ah ee ku yaala magaalada Nairobi, iyadoo jid-gooyooyin fara badan la dhigay dhammaanba waddooyinka laga soo galo dhismayaasha isku dhow ee ku yaala magaalada Nairobi oo ay Dowladdu leedahay.
madaxtooyada-500x309
Xarumaha Dowladda ee ku yaala magaalada Nairobi, sida Madaxtooyada, xafiiska Madaxweyne K/Xigeenka, xarunta Golaha Baarlamaanka, Hotelka caanka ah ee Intercontinental, xarunta dhexe ee ganacsiga magaalada Nairobi ayaa ammaankooda si weyn loo adkeeyay.
Dhammaanba xarumahaasi oo waddooyinka laga soo galo ayaa lagu dadbay biro mudac leh, iyadoo ciidamada ku sugan barahaasi ay dib u celinayaan gaadiidka kala duwan, hase yeeshee goobaha gaadiidka laga dhigto xarumahaasi ayaa loo ogolaaday inay gaadiidkooda dhigtaan dadka ka shaqeeya.
Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ee ku sugan kontroolada cusub ayaa su’aalo weydiinaya dadka wata gaadiidka marka ay yimaadaan meelaha la xayiray inay baabuurta maraan, iyagoona weydiinaya halka ay u socdaan iyo meesha ay doonayaan, iyagoona eegaya aqoonsiga darawalada gaadiidka.
Taliyaha ciidamada Taraafikada magaalada Nairobi Edward Mwamburi ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadani ay tahay mid lagu adkeynayo ammaanka xarumaha Dowladda iyo goobaha muhiimka ah ee ku yaala caasimada.
“Kontroolada cusub ee la soo dhigay magaalada Nairobi waa tallaabooyinka lagu xoojinayo guud ahaan nabadgelyada dalka Kenya” ayuu yiri taliyaha taraafikada magaalada Nairobi.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa la tacaaleysa sidii ay u xoojin lahayd ammaanka dalkeeda oo horay dhowr goor ay uga dhaceen weeraro iyo qaraxyo ay sheegteen Al-Shabaab, inkasta oo Dowladdu aanay sheegin inay soo gaartay hanjabaad uga timid kooxda Shabaab.