Xuuthiyiinta Yemen oo lgu eedeynayo in ay jebiyeen xabbadjoojintii la gaadhey

Yemen (berberanews)-Fallaagada Xuuthiyiinta Yemen ayaa la sheegayaa in ay bur-buriyeen xabbadjoojintii bilaamatey habeenimadii Salaasadda taas oo ahayd shan maalmood oo dadka baahan la gaarsiinayo gar-gaar.

An air strike hits a military site controlled by the Houthi group in Yemen's capital Sanaa May 12, 2015. REUTERS/Khaled Abdullah
An air strike hits a military site controlled by the Houthi group in Yemen’s capital Sanaa May 12, 2015. REUTERS/Khaled Abdullah

Xulafada dagaalka kula jirta Fallaagada Xuuthiyiinta ee Sucuudigu hoggaamiyo ayaa sheegey in saacadihii u danbeeyey Xuuthiyiintu ay madaafiic ku garaaceen bariga dalka Sucuudiga. Sidoo kale Xulufada ayaa sheegaya in Xuuthiyiintu Madaafiic ku garaaceen magaalada Yemen oo ay qaybo badan ka haystaan Malayshiyaadka taabacsan Madaxweynaha dibad jooga ah ee Yemen.
Xabbad joojin shan maalmood ah ayaa Sucuudigu ku dhawaaqey, taas oo Xuuthiyintu soo dhaweeyeen, si dadka baahan loo gaarsiiyo cunno iyo daawooyin, waxaana ay bilaamatey saqdii dhexe 12 Marach 2015.
Lama oga in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo dib u bilaabayaan duqeymihii cirka iyada oo aysan dhamaan shantii maalmood ee xabbad joojinta ahayd