Talibaan oo dad ku diley Hotel ku yaala Kabul

Kabul (berberanews) Malayshiyo ka tirsan ururka Talibaanka Afqaanistaan ayaa gudaha u galey Hotel martida ajaanibta ah degaan oo ku yaala caasiamdda dalkaas ee Kabul.
kabul
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatey weerarka, waxaana kamid ah 9 qof oo ajaanib ah, kadib markii talibaanku galeen qaybta cunada ee Hotel Park Palace.
Kooxda Talibaanka ah ayaa afduub u qabsatey martidii deganeyd Hotelka muddo todoba saacadood ah, waxaana ay hawlgalkooda bilaabeen gelinkii danbe ee shalay.
Ajaanibta ku dhimatey ayaa lagu sheegay in ay ahayaeen afar qof oo u dhalatey dalka Hindiya, hal qof oo Maraykan ah iyo mid u dhashey dalka Talyaaniga, waxaana jira ilaa saddex qof oo kale oo ajnabi ah kuwaas oo aan weli la sheegin dalalka ay u dhasheen.
Weerarka ayaa soo afjarmey goor danbe oo xalay ah kadib markii ciidamada Afqaanistaan ay dileen kuwii weerarka ku qaadey Hotelka.
Ugu yaraan 54 qof ayaa ciidamada amaanku soo badbaadiyeen sida uu warbaahinta u sheegey taliyaha Booliska Kabul Abdul Rahman Rahimi.
Talibaanka ayaa sheegtey weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay beegsamayaan ajaanibta soo duushey sida ay hadalka u dhigeen, Xiligan ayaa ah marka ay weerarada qaadaan Talibaanka Afqaanistaan.