Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo u gacan galay Alshabaab iyo Iiraan oo kahadashay

Somalia (berberanews)-Tobaneeyo Kalluumeysato u dhalatay dalka Iiraan ayaa la soo sheegay inay gacanta ku dhigeen Dagaalyahannadda Alshabaab ee ku sugan Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.
140902072622_al_shabaab_512x288_bbc_nocredit-500x281
Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Kalluumeystadaasi oo ay dooni kula soo caariday Xeebta Deegaanka Cigo.
Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha ee Puntland ayaa ku soo baraarugay doonida lagu qabsaday Xeebta Degaanka Cigo ee Degmadda Ceel-dheer.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga so gaadhay Deegaanka Cigo ayaa inoo xaqiijiyey inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kaxaysteen Kalluumeysatadda Iiraaniyiin deegaan ku dhow Galhareeri.
Saraakiisha Alshabaab weli kama hadlin arrintaasi.
Sidoo kale, Dawladda Iiraan oo ay Maraakiib dagaal ka joogaan Xeebaha dalka Somalia ayaan weli ka hadlin Kalluumeysatadda Iiraaniyiinta ee Alshabaab u gacan-galay.
Bilowgii bishii hore, Koox Burcad-baddeed ayaa sii daysay Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo ay afduub u haysteen, iyadoo ay Madaxda Maamulka Galmudug gacan ka geysteen sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiintaasi.
Warar ayaa sheegay in Burcad-baddeeda la siiyey lacago madax-furasho ah oo aan cadadeeda la shaacinin.
Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa xalay xaqiijiyey inay Alshabaab gacanta ku dhigeen 14 Shaqaale oo la socday Dooni Kalluumeysi oo cku ciladowday Xeebaha Somalia.
Telefishinka waxa uu sheefay in Doonidaasi oo ay leedahay Shirkad Kalluumeysi oo Iiraani ah ay dhibaato farsamo ku qabsatay meel ku dhow Xeebaha Soamlia.
Telefishinku wax faahfaahin ah kama bixin doonidaasi oo ay Alshabaab shalay ka qafaasheen Xeebta Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.
.Dhinaca kale, Alshabaab wweli wax hadal ah kama soo saarin arrintaasi.
Dadka deegaanka ayaa shalay u sheegay Idaacadda Dalsan inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Kalluumeystadaasi oo ay dooni kula soo caarisay Xeebta Deegaanka Cigo.
Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha ee Puntland ayaa ku soo baraarugay doonida lagu qabsaday Xeebta Degaanka Cigo ee Degmadda Ceel-dheer.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga so ogaaray Deegaanka Cigo ayaa inoo xaqiijiyey inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kaxaysteen Kalluumeysatadda Iiraaniyiin deegaan ku dhow Galhareeri.
Bilowgii bishii hore, Koox Burcad-baddeed ayaa la sheegay inay sii daayeen Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo ay afduub u haysteen, iyadoo ay Madaxda Maamulka Galmudug gacan ka geysteen sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiintaasi.
Warar ayaa sheegay in Burcad-baddeedaasi la siiyey lacago madax-furasho ah oo aan cadadeeda la shaacinin, si ay u sii daayaan Kalluumeysatadda.