Burundi: Iska-hor-imaad hubeysan oo ka socda Bujumbura

Bujunbuura (berberanews)-Taliyaha Ciidamada Burundi ayaa markiisa la hadley dadka reer Burundi waxaana uu sheegay in isku daygii Afgenbi uu fashilmey.
burundi
Dhanka kale Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayey u suurta geli weydey in uu ka dego Garoonka diyaaradaha ee Bujumbura kadib markii uu ka soo duulley dalka Tanzania markii uu dhacay inqilaabku halkaas oo uu shir uga qaybgalayey.
Caasimadda Burundi waxaa laga maqlayaa rasaas aad u culus, gaar ahaan meelaha ku dhaw Raadiyowga iyo Telefishanka oo shalay ay qabsadeen Ciidamada afgenbiga sheegtey, laakiin la sheegayo in lagu soo weeraray.
Ciidamada taabacsan generalka Afgenbiga sameeyey ayaa weli ka taliya Garoonka diyaaradaha ee Bujumbura, waxaana ay xireen dhamaan duulimaadyadii garoonka.
Waxaa muuqata in ciidamada Burundi ay labo u kala jabeen dagaalkuna iyaga u dhexeeyo, Sidoo kale Booliska ayaa weli daacad u ah Madaxweyne Pierre.
Lama yaqaan halka uu Madaxweynihii dalkaas ku sugan yahay waxaana war ugu danbeysey isaga oo diyaaradii sidey ay dib ugu labatey Tansaaniya, waxaa la sheegayaa in uu dhanka dhulka ka soo galayo dalkiisa.
Dalka Burundi ayaa ka soo kabanayey dagaaladii sokeeye ee u dhexeeyey dadka Tutsiga ah ee laga badan yahay iyo Huutiga aqlibayada dalkaas degan