Wargeyska HUBAAL Oo Sanad Iyo Dheeraad u Xidhnaa Xukuumadda Maanta Xoriyadiisii Dib u Helay

Hargeysa (berberanews) – Wargeyska Madaxa Banaan ee HUBAAL ayaa mar kale xorriyaddiisii dib u helay Maanta kadib markii Maxakamadda Gobolka Hargeysi ay qaraar ka soo saartay xayiraad saarnayd muddo Sannad iyo Lix bilood ah.
download (1)
Sidoo kale Maxakamadda Gobolka ayaa oodday isla markaana diiwaanka gal-dacwadeedka ka tir-tirtay Kiiska dacwadda.
 
Go’aan Maanta ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamada G/maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil.
 
Sida lagu sheegay  qaraar maanta uu soo saaray Gar-soore Axmed Dalmar Ismaaciil oo gal-dacwadeedka Kiiskan ayaa lagu wargaliyey Hay’adaha Amniga in Xayiraadii saarnayd Wargeyska Hubaal laga qaadey, isla markaana ay u madax banaan yihiin hawlahooda.
 
 
Wargeyska Hubaal ayaa xayiraad kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka Hargeysa la saaray 13-kii Bishii December ee Sanadkii 2013-ka, waxana Muddadaas sannadka iyo badhka ah ee uu xayirnaa aan wali la arag wax dembi ah oo cidi kusoo oogtay, waxaase laga bilaabo maanta Wargeyska si buuxda Looga qaaday xayiraaddii muddada dheer saarnayd.
Xayiraad-Ka-Qaadista
 
XayiraadBerbernews.com