Sacuudiga oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbaan xaquuqda Soomaalida dalkeeda taga.

Saudi(berberanews)-Warbixin ay soo saartay hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay sheegtay in dawlada Sacuudiga ay ka mid tahay dawladaha sida weyn ugu xad gudba dadka magangalyo doonka ah ee dalkeeda ku nool.

www-500x311

Hay’adda Human Rights Watch waxaa uu sheegtay in ciidamada Sacuudiga ah si arxan darro ah ula dhaqmaan marka ay qabtaan dadka magangalyada wadankeeda ka doonta ee Soomaalidu ka mid yihiin.

Madaxa hay’adda Human Rights ee bariga dhexe iyo waqooyiga Africa haweeneyda la yidhaah  Sarah Leah Whitson ayaa sheegtay in dawlada Sacuudiga ay xabsiyadeeda ku jir disho dadka ay Soomaalida ka mid yihiin ee ay magaalooyinka ka qabtaan isla markaana ay dib ugu celiyaan Soomaaliya oo aan amaan aheyn.

“Xad gudubyada dawlada Sacuudiga waa kuwa aad u culus xabsiyada dadka waa lagu jidh dilaa kadibna dib ayaa dalalkooda loogu celiyaa iyaga oo aan amaan aheyn wadamadaa .Soomaaliya ayaa ka mid ah” ayay tidhi Sarah Leah Whitson

Warbixinta hay’adan kasoobaxday oo 60 bog ka kooban ayaa waxaa lagu sheegay in inta dadka la ururinayo ay dadka qaarkii xabsiyada waqti badan ku jiraan waxaana ay hay’addan ku doodaysaa in sharciyada dawlada Sacuudigu u adeegsado ay yihiin kuwa khilaafsan xeerka ama sharciyada dunnida ee u degsan qaxootiga dunnida

Soomaalida u shaqo doonata Sacuudiga oo dalkaasi ku taga si adag ayaa la kulma dhibaato adag oo ay ka mid yihiin jidh dil, xadhig joogto iyo in si dhaqso ah loo soo tarxiilo.