Madaxweynihii Hore ee Afganbiga ku Qabsaday Turkiga oo Geeriyooday

Ankara (berberanews)-Kenan Evren madaxweynihii hore ee dalka Turkiga ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi Turkiga ee Ankara.
040420141244090073806_3-500x375
Madaxweynihii hore ayaa ahaa  ninkii hogaaminaayay afgenbi dhiig badan ku daatay oo dalkaasi ka dhacay 1980-maadkii , waxayn ada’diisu ahayd 97-sano jir, iyadoo  Sanadkii tagay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, taas oo sabab u ahayd ku lug lahaanshihiisa afgembigaasi militari.
 
Kama shalayn Kenan Evren  doorkii uu ku lahaa afgembiga dadka badan ay ku dhinteen ee xilligan casriga ah ka dhacay Turkiga.
 
Sanadkii 1980-kii   xukunka waxaa  xoog kula wareegay  Mileteriga dalkaasi, waxaana afgembigaasi ka dhashay  in 500 kun oo qof in la xiro, boqollaal la waayay iyo boqollaal kale oo jirdil lagu dilay..
 
Waxaan waqtigaasi la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xiray hogaaimayaashooda, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsanayay xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.
 
Qeybo ka mid ah shacabka Turkiga ayaa  afgembiga soo dhaweeyay, iyagoo aaminsanaa in xasilloonida dalkaasi ay soo celineyso.
 
Hase yeeshee waxaa ka soo horjeestay qeybaha siyaasadda ee Turkiga. Afti dadweyne oo lagu badalaayay dastuurk oo ogolaanaayay in la dacweeyo hogaamiyayaasha nool ee afgembiga ka dambeeyay ayaa siweyn ay u taageereen shacabka, 2010kii.
 
Madaxeynihii hore ee dalka Turkiga Kenan Evren waxaa lagu yaqaanay cadaadinta, axsaabta bidixda u janjeera, Kurdiyiinta, wadaniyiinta, iyo Islaamiyiinta.
 
Dhanka kale Marka loo eego xukunkiisii militariga, waxa uu ahaa qof muhiim ah illaa uu maamulkiisii dhammaaday, balse waxaa jira dad badan oo aan ka murugoondoonin geeridiisa.