Dagaaladii Dalka Yemen oo Xabad Joojin ay isku Afgarteen Labada dhinac

Yeman (berberanews)-Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa ogalaaday xabad joojinta 5ta maalmood ah ee uu Sucuudiga ku dhawaaqay, xabad-joojintaasi oo ka bilaabaneysa maalinimada Salaasada soo socota.
images (1)
Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ayaa ku cadaadiyey isbaheysiga uu Sucuudiga hogaaminayo in xabad joojin la sameeyo si gargaar bini’aadamnimo loo gaarsiiyo shacabka reer Yemen.
Sucuudiga ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in ay xabad joojin sameyn doonaan muddo 5 maalmood ah oo ka bilaabaneysa Salaasada, waxayna xabad-joojintaasi ay sharuud uga dhigeen in sidoo kale Xuuthiyiinta ay dagaalka hakiyaan inta xabad joojintaasi socoto.
Xuutihiyiinta ayaa maanta oo Axad ah shaaciyey inay ogolaadeen xabad joojinta ayna u hogaansami doonaan. Balse waxay sheegeen inay is difaaci doonaan hadii ay soo weeraraan kooxaha Yemen sida Al Qacida.
Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay inay doonayaan in Qaramada Mmidoobay ay garwadeen ka noqoto xalinta dagaalka ka socda Yemen iyo sidii lagu soo afjari lahaa.
Dhinaca kale Sucuudiga ayaa tan iyo Jimcihii bilaabay dardar gelinta duqeynta cirka kahor intaan la gaarin xabad joojinta Salaasada.
130 duqeyn oo kala gedisan ayey diyaaradaha xulafada Sucuudiga la beegsadeen gobalada waqooyi ee Yemen ee Sacdaa iyo Xajja.
Hoyga Cali Cabdallah Saalax
Waxaa sidoo kale saaka oo Axad ah la duqeeyey guriga Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax iyo airporka magaalada Sanca.
Weli faah faahin lagama bixin khasaaraha ka dhashay guriga Cali Cabdallah Saalax oo weli hada qiiqaya, halka duqeynta nawaaxiga Airporka Sanca ay khasaaro kasoo gaartay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ay halkaasi u yiileen gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Taangiyo.