Daawo Wefti uu hoggaaminayo Muuse Biixi oo Gaadhay Laascaanood iyo Gambadha, Dadka reer Sool-na la dardaarmay

Laascaanood(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo toddobaadkii u dambeeyey Booqasho ku marayey gobollada Bariga Somaliland, ayaa Jimcihii maanta gaadhay magaalada Laascaanood iyo Fadhiisinka Ciidammada Qaranka jiidda Gambadha ee Bariga gobolka Sool.

kulmiye laascaanood

Weftigan Guddoomiyaha KULMIYE hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay Salaan-sharaf ka qaateen Ciidammada Qaranka Jiidda Gambadha ee Sool, waxaanay hadallo ka jeediyeen goobahaas kala duwan.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalkan iyo Hadallada Warbixinta Warka Weftiga KULMIYE ee gaadhay Sool.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.