Marwada Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu dilay Magaalada Garoowe

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu dilay Amina Abiib Cilmi, oo ahayd afada Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).
faroole_tacsidii_Bari_Bari-500x321
Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dilay wiil ay dhashay, laguna magacaabo Cumar C/raxmaan Maxamed Maxamuud.
Ciidamada Booliska Puntland oo ku baxay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Cumar C/raxmaan, waxaana lagu xiray saldhig ku yaala Magaalada Garoowe.
Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanayo waxa keenay in Cumar uu hooyadii uu rasaas ku dilo, hase ahaatee laamaha ammaanka ee Magaalada Garoowe, ayaa baaritaano la xiriira wada.
Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in dhacdadaan si weyn looga hadalhayo qaybaha kala gedisan ee Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.