Ganacsatada Baabuurta soo Dejisa Oo Dekeda Berbera Dib uga Raraya Baabuurtii una Rararaya Bosaaso iyo Dubai.

Hargeisa-(berbera) –Shir ay iskugu yimaadeen xalay gudida Ganacsatada Gaadiidka Soo Dejisa Somaliland ayaa waxay go’aan rasmi ah ku gaadheen inay dib uga raraan gaadiidkii hore dekeda Berbera ka
images
yaalay iyo kuwo saaran markab habeen hore ku soo xidhay Dekeda Berbera ka dib sida ay sheegeen markii masuuliyiinta Xukuumada Somaliland dheg u dhigi waayeen cabasho ay hore ugu soo gudbiyeen oo ka dhan ah shirkad qalab cusub la timid dekeda Berbera oo la sheegay in  lagu hubinayo tayada gaadiidka dibada laga keeno oo gaadhigiiba lagu soo roogay in laga qaado lacag ku dhaw 100 doolar,taasi oo war war weyn ku abuurtay guud ahaan ganacsatada gaadiidka soo waarida.
 
Sida noo xaqiijiyeen warar xog ogaal ah oo aanu xalay ka helnay kulankaasi oo ka dhacay magaalada Hargeysa, shirkaasi oo ay iskugu yimaadeen ganacsatada gaadiidka soo dejisa ay go’aamiyeen inay gaadiidkii dekeda u yaalay oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 1700  oo gaadhi ay dib uga raraan Dekeda Barbara,waxa ay  qaarkood go’aamiyeen inay gaadiidka dib ugu celiyaan Dubai halka qaarna ay danaynayaan inay Dekeda Boosaaso ee maamul goboleed Puntland ee Soomaaliya ka dhaadhiciyaan,waxaana uu warkani intaa ku daray inay sidan u yeeleen kadib markii ay Xukuumada Somaliland hoos u eegi wayday cabashadoodii ku saabsanayd in laga joojiyo cashuur ay ku sheegeen tacadi aanay qaadi Karin oo cid gaar ah lagu naasnuujinayo,taasi oo ay mudooyinkii u dambeeyay si weyn uga qaylinayeen oo kor iyo hoosba ula hadleen Xukuumada  in wax sharci ah oo Cashuurta lagu daro laga qaado,balse aanay yeelayn wax shaqsi gaar ah lagu naasnuujinayo.
download (8)
Sida warkani nagu soo gaadhay xalay salaadii cashaa’i kadib oo ay iskugu yimaadeen ganacsatada gaadiidka Soo dejisa hotel ku yaala magaalaga Hargeysa ayaa waxa ay si rasmi ah isula waafaqeen inay talaabo adag ka qaataan aamusnaanta Xukuumada waxaanay isla garteen inay wax laga eegtaa aan jirin ee ay Gaadiidka Dekeda Berbera ka yaala muda  bisha iyo badhka ku dhaw iyo gaadiidka saaran markab kale oo habeen soo xidhay in meesha laga dhaqaajiyo waxa kale oo ay isku waafaqeen in go’aan midaysan laga yeesho talaabo kasto oo ay xukuumadu isku dayo inay ku baajiso go’aankoodaasi oo aan ahayn inay shirkaasi ay ka cabanayaan golaha sharci dejinta la horgeeyo iyo in meesha laga saaro mooyaane.
 
Sidoo kale waxay ganacsatadani xallay canaan dusha u saareen wasaarada Maaliyada Somaliland oo ay sheegeen inay ku jawahareereen halka ay ka taagan tahay shirkadan,iyagoo kulan hore oo ay ula yeesheen wasiir Samsam ay  u sheegtay inaanay ogayn balse waxa ay kala garan laayihiin inay ogoshay in cashuur xaaraan ah laga qaado ganacsatada,waxa ay si gaar ah ugu lafo gureen in wasaarada maaliyada go’aanka ay shirkadan xaaraanta ah ka qabto aanay wali cadayn ee ay meel madaw ka istaagtay, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay inay wasaarada maaliyadu ka aamusto cashuur lagu bixinayo Xafiisyadeedii hadana ay ka Aamusan tahay,waxay ka dalbadeen inay masuuliyiinta maaliyadu u cadeeyaan waxani waxa ay tahay  iyo sharcinimada in la bixiyo lacagta 100ka doolar ah ee lagu soo rogay gaadhi kasta oo dekedaha Somaliland laga soo dejinayo.
 
 
 
Berberanews