Al Qacida oo Ku Baaqday in 20 kilo oo Dahab ah ay ku Badalanayaan Madaxa Hogaamiyaha Huutiyiinta

Kooxda Al Qacida ee Yemen ayaa sheegtay inay u balan qaadeyso 20 kilo oo dahab ah qofkii u keena Madaxa hogaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta, Cabdulmalik Al Xuuthi.
download (5)
Dawlada Sucuudiga iyo xulafadeeda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Xuthiyiinta, go’aanka kasoo baxay Al Qacida Yemen ayaa lagu soo beegay xili kooxda Al Qacida ay dhankeedana wado dagaal ka dhan ah shiicada Yemen.
Kooxda Al Qacida oo ka faa’iideysaneysa fowdada ka dhalatay dalka Yemen, ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegtay xarumaha dowlada ee Mukalah isla markaana siideysay maxaabiis badan oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha Al Qacida.
Al Qacida ayaa horey uga gaabsatay dagaalka dhexmarayey Xuuthiyiinta iyo dowlada Yemen, waxayna wakhtigaasi ku mashquulsanaayeen abaabulka maleeshiyadooda koonfurta Yemen ku sugan.
Go’aana Al Qacida ayaa imaanaya xili Xuuthiyiinta xarumahoodii keydka hubka ay duqeeyeen diyaaradaha Sucuudiga iyo Xulafadiisa
 
berberanews