Barta Facebook oo Laga Saarayo Calaamadda Buurnida (Feeling Fat)

Qubane-(Berberanews)-Shirkadda Facebook, ayaa barteeda dadku ku kulmaan (facebook) ka saaraysa calaamad muujisa marka qofku buurto (Feeling Fat) oo kartoon ah, kadib markii 16 kun qof saxeexeen ogolaanshaha in laga saaro.

Koox ololan qaaday, ayaa sheegtay in calamadan sii dhiirigelinayso dadka cuntada badsada amma uu ku dhaco xannuunada keena in qofku cuntada si aan xad lahayn u cno

Tirada aadka u badan ee dadka ah ayaa ololahooda ka bilaabay internet-ka, kadibna u gudbiyey shirkadda Facebook, kuwaasoo isugu jiray dad la dagaalama buurnida.

Ololaha arrintan lagaga soo horjeeday oo loo bixiyey Change.org waxa bishii ina dhaaftay hoggaaminayey koox la yidhaa Natioanl Eating Disorders Awareness oo u ololaysa dadka cunista dhibaatooyinku kala soo saayidaan.feeling fat

 “Waxa aannu bulshadayada ka maqalnaa kelmada waxa aan dareemayaa buurni “Feeling Fat” oo ah mid qofku dooran karo, taasina waxay keenaysaa in dadku buurnida ku dhiiradaan, gaar ahaan dadka dhibaatadu ka haysato cunista, sidaa darteed waxaannu doonaynaa in aanu ka saarno. Waannu sii wadi doonnaa in aanu dhegaysano fal-celinta arrintaas ka imaysa si dadku aragtidooda u qeexi karaan.” Sidaa waxa tidhi haweenay u hadashay shirkadda Facebook.

Haweenay la yidhaa Catherine Weingarten oo 24 jir ah, ardayna ka ah dalka Maraykanka oo ololahan saxeexday, ayaa sheegtay in buurnidu aanay ahayn dareen, aadna qof kasta oo arka buuran uga cadhoodo, sidaa awgeeda aan la dhiirrigelin miisaanka jidhka in la kordhiyo.

Haddii go’aankan lagu guulaysto waxa daba socda ololayaal kale oo laga saarayo kelmado badan oo dadku dhibsadaan, kaasoo dad badan dareenkooda ku cabbiraan.