Warbixin iftiimisay arrimaha cabsida ku abuuray dawladda Jabuuti iyo ciidamo ay dhoobtay xuduudka Somaliland

Jabuuti (Jam) – Xogo cusub oo soo baxay, ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda bixisay macluumaad dhinaca amniga ah oo sababay in dawladda Jabuuti xidho xadka ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Somaliland toddobaadkan.

Warbixin lagu baahiyey shabakad  ka faalloota arrimaha amniga, sirdoonka iyo argagixisada oo la yidhaa Intelligence News, ayaa lagu sheegay in dawladda Jabuuti u xidhay xadkeeda Somaliland sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka, kuwaasoo soo baxay kadib markii kooxda Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonto suuqyada dalalka reer galbeedka.

“Dawladda Jabuuti ayaa xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, markii kooxda Al-shabaab ugu baaqeen taageerayaashooda caalamka inay weerarro ku qaadaan suuqyada iyo danaha reer galbeedka, taas ayaana keentay in la xidho xadka, iyadoo sidoo kale dawladda Jabuuti xoojisay ilaalinta xuduudkooda, ciidamo fara badan oo millatari ahna la dhigo xadka ay la leeyihiin Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixintaas oo Jamhuuriya helay shalay.ciidamo

Waxa kaloo xogahaasi tibaaxeen in dawladda Jabuuti ka war-heshay weerarro Al-shabaab qorshaynayaan inay ka fuliyaan dalalka bariga Afrika, kuwaasoo si gaar ah loola bartilmaameedsanayo danaha istaraatijiyadeed ee waddamada reer galbeedku ku leeyihiin.

Sida warbixinta lagu muujiyey, sirdoonka dalka Maraykanka ayaa bixiyey xogaha dhinaca ammaanka ee sababay in la xidho xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, “Hay’adaha sirdoonka Jabuuti ayaa ku dooday inay xogo ka heleen sirdoonka dalka ay xulafada yihiin ee Maraykanka, xogtaas oo sheegtay in kooxda Al-shabaab maleegayso weerarro khatar ku ah danaha waddamada reer galbeedka ee bariga Afrika oo Jabuuti ku jirto,” ayey tidhi warbixintu.

Dhinaca kale, dawladda Jabuuti ayaa ciidamo tiradoodu gaadhayso kun askari u dirtay dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka mid ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasoo abuurtay in laga feejignaado weerarrada Al-shabaab ku qaaddo dalalka ciidammadu ka joogaan Soomaliya.