Madaxweyne Geelle oo dhagaxdhigay Dhismaha Xarunta Akadeemiyada Af-Somaliga ee Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa maanta booqasho rasmi ah waxa uu ku yimid Magaalada Muqdisho. Waana booqashadiisii labaad muddo afar sano gudaheed ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda, ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wefdiga Madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweynaha jabuuti, ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kaga qaybgalay munaasabad ku aadan shir looga hadlaayay horumarinta afka Somaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee luuqadaha/afafka.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay Xarunta Akadeemiyada Af-Somaliga, si dib u habayn loogu sameeyo farta Somaliga, bacdamaa aanay  jirin cid xil iska saartay badbaadinta afka Somaliga, 25-kii sano ee ugu dambeysay.

Xarunta Akadeemiyada, ayaa waxaa lagu wadaa in laga dhiso Degmada Shingaani ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Masuuliyiin kala duwan, ayaa ku sugnaa goobta dhagax dhigga.3887b324 c36045f7 efd31182

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa si kooban kaga hadlay qiimaha ay leedahay maanta oo kale iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ballaadhinta afka Somaliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka barbar hadlaayay Madaxweyne Geele, ayaa dhankiisa sheegay inay soo celinayaan maktabaddii uu dalku lahaan jiray.