Fanaanka C/raxmaan caydiid (Oday ) Oo Sida Caddceeda Uga Soo Dhex Mudhay Fanaaniinta Xidigaha Geeska‏

Hargeysa-(Berberanews)-Fanaanka wayn ee c/raxmaan caydiid (Oday ) oo ka mida fanaaninta xidigaha geeska ayaa ah fanaan alle ku maneestay hibooyin kala gadisan sida Hal Abuurnimo , Laxameeste . Fanaan . .

Fannaankani ayaa muddo dheer ku soo dhex jiray Fanka isagoo aha fannaan si wayn loo jecelyahay .

Waxaana uu fannaankani sannadkii 2008 ka qeyb galay tartankii heesaha  hirgalay oo ay markaasi ka qeyb qaadanayeen 17 Fanaan oo isaga kala yimid 6-Da  Gobol ee dalka waxaana Tartankaasi kaalinta kowaad galay Fanaan Maxamed Bulshaawi oo isagu ahaa musishankii fannaaniinta u tumayay Heesaha waxaana kaalinta Labaad Galay Fanaankan C/raxman Caydiid (Oday) .oda2y2

Fannaankan ayaa heestiii uu kaga qayb galay Tartankaasi Halku dhigeedu Ahaa  “ Darmaan ” Oo Uu Erayadeeda isagu hal abuuray Laxanka uu lahaa Fannaanka Wayn ee Indho Jacayl  Sidaasna uu ku noqday Fannaaankii Kaalinta Labaad Ka Galay Tartankii Heesaha Hirgalay Ee Ka Qabsoomay Barxadda Garoonka Timacadde Sannadii 2008  .

Waxa xusid mudan in fannaaniintii ka qeyb gashay tartanakaasi ay ku jireen fannaanin hadda caan ka ah dalka sida Maxamed Siciid Bk . Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) Iyo Fannaanadda Aniisa iyo Fannaaniin kale .

Fanaan oday ayaa intii aanu ku soo biirin Xiddigaha Geeska Waxaa uu lahaa Heeso Badan isagoo ka mid ahaa Fannaainta Ciidanka Police-ka Somaliland halkaasi oo uu ka mid ahaan jiray fannaaninta haldoorka ah ee heesaha waddaniga ah ku luuqeesa .

Fannaankan ayaa sidoo kale ka mid ah fanaaniinta faro ku tiriska ah ee qarnigan jooga ee Sida Live-ka Ah u heesi kartaa ee  ilaahay ku meneestay Cod Macaan .

Waxaana uu sannadkii 2012 ku biiray Kooxda Xiddigaha Geeska isagoo illa haatan ka mid ah Fannaaniinta Xiddigaha Geeska .

Intii uu ka midka ahaa Kooxdan xiddigaha geeska wuxuu soo saaray heeso aad u macaan waxaana la odhankaraa waa fannaan sida nuurka cadceeda uga soo dhex baxay kooxda Xiddigaha Geeska marka laga eego sida kalsoonida leh ee uu u  heeso iyo codkiisa oo ah mid cajiiba oo ahayn mid ay keentay migsarka la raaciyay ee ay tahay cod dabiici ah oo uu alle siiyay   .

Waxaanu fannaankani yahay fanaan leh mustaqbal ifayaa isla markaana kasbaday dhagaha dadka ku hadla afka soomaaliga waxaanu ku suntantahay shakhsiyadiisu qof leh akhlaaq iyo dad la dhaqan Wacan .