Mucaaridka iyo Dawladda Koonfurta Sudan oo kala saxeexday Heshiis lagu soo afjarayo colaada

Bbc-(Berberanews)-Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar ayaa wada saxiixday heshiis ay ugu dambeyn shanta bisha march ee sanadkan ku soo afjarayaan colaadda ragaadisay dalkaasi.

Hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku shiraya caasimadda dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa mar kale ku hanjabay in ay tallaabooyin aan la cayimin ka qaadi doonaan laba dhinac haddii ay xilligaasi loo qabtay dhaqan gelin waayaan heshiiskaasi.

Heshiiskani cusub ayaa dhinacyada ay colaadda ka dhaxeysa waxa ay isla garteen in ay ixtiraamaan oo ay dhaqan geliyaan xabad joojin ay kala saxiixdeen bishii janaayo ee sanadkii la soo dhaafay.150202032018_south_sudan_624x351_afp

Waxa ay labaduba dhabarka heshiis xabad-joojin ah oo lagu soo afjarayo colaadda uu dhiigga badan ku daatay ee soo jiitameysay muddada ka badan halka sano, colaaddaasi oo ay ku naf waayeen kummanaan qof.

Digniin loo jeediyay

Dhex-dhexaadiyaha labadani dhinac Seyoum Mesfin oo ka hadlayay xafladda lagu saxiixayay heshiiskani ayaa waxa uu sheegay in urur goboleedka IGAD uu diyaar u ahaa in uu cuna qabateyn ku soo rogo labadani hoggaamiye haddii ay ku guul dareysan lahaayeen in ay heshiis gaaraan iyo hadii ay jabiyan kan ay hadda gaareenba.

Wadahadalada ayaa haatan la hakiyay ilaa iyo labaatanka Febraayo, xilligaasi oo la filayo in labada dhinac ay ku heshiiyaan sidii ay awoodda u qeybsan lahaayeen.

Awood qaybsi

IGAD ayaa soo jeedisay in madaxweyne Salva Kiir uu sii hayo xilka madaxweynenimada ee dowlad ku meel gaar ah halka Dr Machar loo magacaabi doono madaxweyne ku xigeenka koobaad.

Labada dhinac ayaan ilaa iyo haatan ku heshiinin qorshahani, waxaana hadda la siiyay wakhti ay hindisahaasi uga soo arrinsadaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale ka codsaday labada hoggaamiye in ay si dhakhso ah u gaaraan heshiis ku saabsan arrintaasi.

Kummanaan qof ayaa naftooda weyday tiro ka badan hal milyan iyo bar kalena waa ay barakeceen tan iyo bishii December sanadkii 2013-kii, xilligaasi oo ahayd markii ay colaadda ka billaabatay dalkaasi ugu da’da yar caalamka.