Haween raggooda shaqada laga joojiyay oo dhagxaan la beegsaday Villa Somalia

Muqdisho-(Berberanews)-Xaasaska Saraakiishii Ciidanka Militariga ee shaqada laga rusqadeeyay, ayaa waxay maanta banaanbax ka hor dhigeen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Haweenka oo ka carooday in shaqada laga joojiyo raggooda, ayaa waxay muddo ka dib ay dhegxaan la dhaceen Aqalka Madaxtooyada, ka dib markii aynaan masuuliyiinta Madaxtooyadu wax dheg jalaq ah u siinin dibadbaxooda.Villa-Somalia

Goobjooge, ayaa ku waramaaya in Ciidanka Militariga ay daqiiqado ka dib rasaasta nool nool kaga jawaabeen dhegxaantii ay haweenkaasi la dhacayeen Madaxtooyada, markii ay amar ka helayn Taliskooda.

Goobjoogaha, ayaa sidoo kale sheegaaya in haweenkii banaanbaxa waday, ay ku kala yaaceen rasaastii ay adeegsanayeen Ciidanka Dowladda, sababo ku aadan iyagoo hoos ugu dhigay.

Rasaastaasi, ayaa qal-qal gelisay dadkii deegaanka, iyagoona isugu soo baxay wadooyinka, waxayna wax iska weydiinayeen waxa keenay rasaastaasi.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi, waxaase suurta gal ah inay jiraan dad wax ku noqday, oo aan ilaa iyo hadda laga warqabin.

Berberanews.com

Muqdisho, Somalia