Halkuu ku dambeeyay agabkeenii Hidaha iyo Dhaqanku? Warbixin Xiise leh

Hargeysa-(Berberanews)-Sammaynta qalabka Hidaha iyo Dhaqanka aynu u leenahay waa xirfad gabaabsi ku dhow oo dadkii ehelka u ahaa ay ku kala foofeen shaqooyin kala duwan oo ay ka barteen nolosha, qaarkoodna iskuulo u galeen.

Wadan kastaa wuxuu ku faanaa waxa uu Hidaha iyo Dhaqanka u leeyahay ee u gaarka ah oo ah awoodda laga qiyaaso wax-soo-saarka iyo ilbaxnimada bulsho kasta oo caalamka ku nool.

Hadaba, markaynu u milicsano agabka Hidaha iyo Dhaqanka ee Somaliland caanka ku ahayn waxaa kuu soo baxaysa inay bulshadeenu lumiyeen doorkii ay ku lahaayeen ilaalinta iyo soo-saarka agabkaas oo maanta gabaabsi ku dhow.

dhaqan

Taasoo ay kow ka tahay isbedelka hab-nololeedka bulshada oo dadkii ehelka u ahaa ama yaqaannay sammaynta agabka Hidaha iyo Dhaqanku u hayaameen magaalooyinka waaweyn oo ay ka heleen fursado oo ka duwan tii ay asal ahaan yaqaaneen.003

Weriye Sidiiq Maxamed Burma oo ka mid ah weriyayaasha faro-ku-tiriska ah ee u kuurgala arrimaha bulshada, oo ka hawlgala Idaacadda Radio Hargeysa,ayaa u kuurgalay oo barnaamij ka soo diyaariyay koox dhallinyaro ah oo magaalada Hargeysa ku sameeya qalabkii dhaqanka oo dhan. Sida kooraha, mooyayaasha, fandhaalada xeedhooyinka iww.

Kulankii_Qoreyaasha_Helsinki_3

Hadaba, warbixintaas oo aad u qiime badan halkan Hoose ka dhegayso.

 




Berberanews.com

info@berberanews.com