Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Dhaqaale Midowga Yurub u Qoondeeyey Dhismaha Jidka Berbera iyo Itoobiya

“Anigu keliday wasiir ahaan waxba ma qaban karo. Waa laga yaabaa in aan khibrad badan caalamka u leeyahay oo ilaa 40 sanno aan arrimahan ka shaqaynayey, haseyeeshee…”

“Dalkeenna nimco iyo khayraad wuu yaal, waynuna horumarin karnaa, waxaynuna ku naal meel istaaraatiji ah. Bad ayeynu leenahay, shidaal ayeynu haynaa, macdano ayaa yaal”

 “Itoobiya waxaannu la saxeexannay in laydhka laga soo jiido Tog-wajaale, lana sameeyo jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale, in tareenka taga Jabuuti loo soo duwo dhinaca Somaliland”

Wasiirka Khaarajiga Somaliland

London-(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in Midawga Yurub ka dhammeeyey daraasad qiimayn ah oo lagu sameeyey dhismaha jidka isku xidha dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya (Berbera Corridor), isla markaana hadda la oggolaaday diyaarinta dhaqaalaha ku baxay dhismaha waddadaas.wasiir biixi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo safar shaqo ku tagay dalalka Yurub, ayaa xaflad loogu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska 26 February 2015 ku sheegay in Midowga Yurub ku bixinayo dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya lacag dhan ilaa $80 milyan oo dollar.

“Imminka Midowga Yurub muddo 11 sanno ah ayey wadeen daraasad hordhac ah oo lagu qiimaynayo dhismaha mashruuca Berbera Corridor (feasibility study). Hadda way dhammeeyeen, waxayna bixinayaan lacag dhan $80 milyan ilaa toddobaatan milyan dollar oo lagu samaynayo jidka isku xidhaya Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor). Intaas iyo wax ka badanba waannu ka soo qaadi karnaa caalamka iyo meelo kaleba,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Waxa kaloo uu xusay in isku duubni iyo wada-shaqayn lagu gaadhi karo horumar iyo ictiraaf Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaannu yidhi; “Haddii aynnu muruqeenna, xooggeenna iyo maskaxdeenna isu gaynno waddankan waynnu dhaqaajin karnaa. Waddanka Taiwan waa dal aan la ictiraafin oo sida Somaliland oo kale ah, halka iyo horumarka uu maanta joogana waa la arkayaa, markaa dalkeenna nimco iyo khayraad wuu yaal, waynuna horumarin karnaa, waxaynuna ku naal meel istaaraatiji ah. Bad ayeynu leenahay, shidaal ayeynu haynaa, macdano ayaa yaal. Waxyaabo badan oo aynu qabsan karno ayaa jira, laakiin haddii aaynaan isugu tegin waxba qaban maynno. Anigu keliday wasiir ahaan waxba ma qaban karo. Waa laga yaabaa in aan khibrad badan caalamka u leeyahay oo ilaa 40 sanno aan  arrimahan ka shaqaynayey, haseyeeshee haddii aan gacanta la ila qaban oo aynaan isku tiirsan, meelna uga soo wada jeedsan wax qof keli ah qaban karo maaha ictiraafka iyo horumarku.”

Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Biixi waxa uu xaqiijiyey in dawladaha Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiisyo ay ka mid yihiin in dhismaha casriga ee jidka tareenka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti qayb ka mid ah la soo gaadhsiiyo dhinaca Somaliland.

“Wasiirro badan oo ka socda dawladda Itoobiya ayaa safar ku yimi Somaliland (bishii November 2014), waxaanuna la saxeexannay in laydhka Itoobiya laga soo jiido Tog-wajaale, lana sameeyo jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale, i tareenka taga Jabuuti loo soo duwo dhinaca Somaliland, markaa mashaariic badan ayeynnu kala saxeexannay oo waxna laga qaban karo oo ay muuqdaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Xigasho Jamhuuriya